HomeCaalamkaBoqollaal Kun oo Qof oo Israa’iil ka Mudaharaaday, Iyagoo Dalbanaya Joojinta Dagaalka...

Boqollaal Kun oo Qof oo Israa’iil ka Mudaharaaday, Iyagoo Dalbanaya Joojinta Dagaalka Qasa iyo Sii-daynta La-haystayaasha

Date:

Related stories

Muqdisho Oo Shaacisay Natiijada Fasalka 8aad 2025-2026

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa shaaciyay natiijada imtixaanka Fasalka 8aad, iyadoo saddex arday lagu dhawaaqay inay kaalmaha ugu sarreeya galeen, lana guddoonsiiyay abaalmarinno.

US Releases 600,000 Mosquitoes to Fight Mosquitoes

US Company Releases 600,000 Male Mosquitoes in New Effort to Control Disease-Carrying Species

Mareykanka Oo 600,000 Kaneecooyin Dagaal La Galaya.

Mareykanka ayaa bilaabay hab cusub oo lagula dagaallamayo kaneecada cudurrada gudbisa, iyadoo ilaa 600,000 oo kaneeco lab ah oo Wolbachia sidda lagu sii deynayo Washington DC iyo nawaaxigeeda.

Tababarka Gorgor oo lagu soo xiray Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo Turkiga kula soo xiray Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor,

Kumannaan qof ayaa Axaddii isugu soo baxay fagaaraha “La-haystayaasha” ee magaalada Tel Aviv, iyagoo cod dheer ugu baaqay in la joojiyo dagaalka ka socda Qasa iyo in la gaaro heshiis lagu sii daayo maxaabiista ay weli hayaan Xamaas. Mudaaharaadkan oo noqday kii ugu ballaarnaa tan iyo bilowgii dagaalka ayaa lagu muujiyey walaac xooggan oo ku […]

- Advertisement -

Kumannaan qof ayaa Axaddii isugu soo baxay fagaaraha “La-haystayaasha” ee magaalada Tel Aviv, iyagoo cod dheer ugu baaqay in la joojiyo dagaalka ka socda Qasa iyo in la gaaro heshiis lagu sii daayo maxaabiista ay weli hayaan Xamaas.

Mudaaharaadkan oo noqday kii ugu ballaarnaa tan iyo bilowgii dagaalka ayaa lagu muujiyey walaac xooggan oo ku saabsan qorshaha dowladda Israa’iil ay ku doonayso inay kula wareegto magaalada Qasa, arrintaas oo ay shacabka ku tilmaameen khatar weyn oo halis gelinaysa nolosha ku dhawaad 20 qof oo wali gacanta ugu jira Xamaas.

- Advertisement -

Shaqo-joojin qaran oo hal maalin ah ayaa qayb ka ahayd bannaanbaxyada, taas oo sababtay in la xirto waddooyin waaweyn, xafiisyo, jaamacado iyo xarumo kale oo adeegyo muhiim ah bixiya. Booliiska ayaa sheegay in ku dhawaad 40 qof lagu xiray intii ay socdeen mudaharaadyada.

Latest stories