HomeCaalamkaG7 oo War-murtiyeed Cusub Ka Soo Saartay Bariga Dhexe, Trump oo Shirkii...

G7 oo War-murtiyeed Cusub Ka Soo Saartay Bariga Dhexe, Trump oo Shirkii Ka Baxay

Date:

Related stories

Macallin Texas ah oo ooyay ka dib markii ardayda sare ay wax qori wayeen

Macallin ka tirsan dugsi sare oo Texas ah ayaa ilmeynaya kadib markii uu ka hadlay arday 17 iyo 18 jir ah oo weli la tacaalaya xirfadaha aasaasiga ah ee akhriska iyo qorista.

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Meta Oo Wajahaysa Dacwad $1.4 Tirilyan Ah

Shirkadda Meta ayaa maxkamad federaal ah kula kulmaysa 29 gobol oo Mareykanka ah, kuwaas oo ku eedeeyay inay Facebook iyo Instagram si ula kac ah uga dhigtay baro dhalinyarada ku dhejiya,

Trump Oo Sharciga U Arka Caqabad Ku Hortaagan Xil Saddexaad

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu jeclaan lahaa inuu mar saddexaad u tartamo xilka madaxweynaha, balse uu qiray in sharciga Mareykanka uu arrintaasi caqabad ku yahay.

Trump oo si qarsoodi ah uga baxay Turkiga kadib hanjabaad Iran ah

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa la sheegay inuu si qarsoodi ah uga baxay Turkiga isagoo raacay diyaarad militari oo kale,

Hoggaamiyeyaasha dalalka horumaray ee G7 ayaa shir ballaaran oo ka socda magaalada Alberta, Canada, ka soo saaray war-murtiyeed wadajir ah, iyagoo diiradda saaray xaaladda cakiran ee Bariga Dhexe. War-murtiyeedka ayaa lagu sheegay in G7 ay si buuxda uga go’an tahay kor u qaadidda nabadda iyo xasilloonida gobolka. “Anaga oo ah madaxda G7, waxaan mar kale […]

- Advertisement -

Hoggaamiyeyaasha dalalka horumaray ee G7 ayaa shir ballaaran oo ka socda magaalada Alberta, Canada, ka soo saaray war-murtiyeed wadajir ah, iyagoo diiradda saaray xaaladda cakiran ee Bariga Dhexe.

War-murtiyeedka ayaa lagu sheegay in G7 ay si buuxda uga go’an tahay kor u qaadidda nabadda iyo xasilloonida gobolka. “Anaga oo ah madaxda G7, waxaan mar kale caddeyneynaa sida ay naga go’an tahay nabad waarta iyo degganaansho Bariga Dhexe,” ayaa lagu yiri bayaanka.

- Advertisement -

Dalalka G7 ayaa mar kale taageeray xaqa Israa’iil u leedahay is-difaacid, iyagoo adkeeyey inay garab taagan yihiin ammaankeeda. Sidoo kale, waxay carabka ku adkeeyeen muhiimadda ilaalinta dadka rayidka ah inta lagu jiro xaaladaha dagaal ama colaadeed.

War-murtiyeedka ayaa Iran loogu eedeeyey inay tahay isha ugu weyn ee xasillooni-darrada gobolka iyo taageeridda falalka argagixisada. Hoggaamiyeyaasha G7 waxay mar kale ku celiyey mowqifkooda ah in Iran aysan marnaba yeelan karin hub nukliyeer ah, iyagoo ugu baaqay xal siyaasadeed oo degdeg ah.

“Waxaan ku boorineynaa in xal waara oo laga gaaro xiisadda Iran uu horseedo dejinta colaadaha Bariga Dhexe, oo ay ka mid tahay xabbad-joojin rasmi ah oo laga hirgeliyo Marinka Qasa,” ayay sheegeen.

- Advertisement -

Dhanka kale, Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa si lama filaan ah uga baxay shirka, sababo lagu sheegay inay la xiriiraan colaadda ka aloosan Bariga Dhexe. Ilaa hadda lama caddeyn sababta rasmiga ah ee keentay bixitaankiisa degdegga ah, taasoo dhalisay su’aalo siyaasadeed oo kala duwan.

Latest stories