Warar ay baahisay CBS News ayaa sheegaya in Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump uu ka hor yimid qorshe ay Israa’iil ku dooneysay in lagu khaarijiyo Hoggaamiyaha Ruuxiga ah ee Iiraan, Aayatollah Cali Khamenei.
Saddex sarkaal oo Maraykan ah ayaa u sheegay CBS News in Trump uu si cad uga digay qorshahaasi, isaga oo u sheegay Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, in dilka Khamenei uusan ahayn “fikrad wanaagsan”.
Wadahadallada arrintan la xiriira ayaa la sheegay inay dhaceen kadib weerar ay Israa’iil ku qaaday gudaha Iiraan, maalintii Jimcihii la soo dhaafay.
Dhanka kale, Netanyahu oo la hadlayey Fox News ayaa ka gaabsaday inuu si toos ah u xaqiijiyo ama u beeniyo warbixinta uu Reuters qoray, taasoo tilmaameysay in Trump uu diiday qorshaha dilka hoggaamiyaha Iiraan
