HomeCaalamkaXildhibaan dhawaan la doortay oo u geeriyooday Cudurka Coronavirus

Xildhibaan dhawaan la doortay oo u geeriyooday Cudurka Coronavirus

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

Pheromone Maxxing:Rag Ka Taga Qubayska Si Ay U Soo Jiitaan Dumaraka.

Dhaqan cusub oo TikTok ku faafaya ayaa ragga qaar ku dhiirrigelinaya inay iska dhaafaan qubayska iyo deodorant-ka, iyagoo aaminsan in urta dabiiciga ah ay kordhin karto soo jiidashada.

Xasuuqii Rwanda: Nin Xabsi Daa’in Lagu Xukumay

Maxkamad ku taalla The Hague ayaa xabsi daa’in ku xukuntay muwaaddin Rwanda ah oo lagu helay dambiyo la xiriira xasuuqii 1994, kaddib baaritaan socday sannado iyo marqaatiyo badan oo la dhageystay.

Xildhibaan dhowaan la doortay ayaa u geeriyooday Covid-19 – waa qofkii ugu horreeyay ee ka tirsan Kongareeska Mareykanka oo u dhinta cudurka. Luke Letlow, oo Jamhuuriga ka tirsanaa isla markaana 41 jir ahaa, ayaa matalayay degmada 5-aad ee Louisiana waxaana lagu waday in la dhaariyo Axadda soo socota. Wuxuu 18-kii bishan December ku dhawaaqay in […]

- Advertisement -

Xildhibaan dhowaan la doortay ayaa u geeriyooday Covid-19 – waa qofkii ugu horreeyay ee ka tirsan Kongareeska Mareykanka oo u dhinta cudurka.

Luke Letlow, oo Jamhuuriga ka tirsanaa isla markaana 41 jir ahaa, ayaa matalayay degmada 5-aad ee Louisiana waxaana lagu waday in la dhaariyo Axadda soo socota.

- Advertisement -

Wuxuu 18-kii bishan December ku dhawaaqay in laga helay coronavirus kaddibna isbitaal ayaa loola cararay.

Barasaabka Louisiana John Bel Edwards ayaa amray in maalinta duugta Letlow la dejiyo calanka.

“Waxaan aniga iyo xaaskeyga qoyska xildhibaanka la doortay ee Luke Letlow uga tacsiyeynaa geeridiisa kaddib markii uu ku dhacay Covid-19,” Mr Edwards ayaa sidaasi ku qoray barta Twitterka.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories