HomeCaalamkaWaqtiga lasoo gaba-gabeeynayo Howlgalka QM ee Suudaan oo la shaaciyay

Waqtiga lasoo gaba-gabeeynayo Howlgalka QM ee Suudaan oo la shaaciyay

Date:

Related stories

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada Muqdisho, 9 Juun...

Sheekada Ninkii Ugu Horreeyay Ee Lacag Ku Qanciya Gabar

Sheekada Ninkii Ugu Horreeyay Ee Lacag Ku Qanciya Gabar Waxaa...

Koonfur Galbeed oo degmooyinka ku xoojinaysa adkaysiga abaarta

Koonfur Galbeed oo waayo-aragnimo abaareed la wadaagtay Muqdisho, 8 Juun...

FESTU oo Geneva ka qaylisay: Shaqaalaha iyo dhalinyarada Soomaaliyeed waa lagama maarmaan

FESTU: “Wadahadal la’aan ma jirto nabad” Geneva, Switzerland – 6...

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada Muqdisho, 06 Juun...
- Advertisement -

Howlgalka nabad ilaalinta Qaramada Midoobay ee Gobolka Darfur (UNAMID) ayaa lagu wadaa in la soo gabagabeeyo 31-ka bishaan ka dib muddo 13 sano ah oo gobolkaasi ay ku sugnaayeen ciidamo caalami ah oo sugayey amniga halkaasi.

Hadaladaasi ka soo yeery Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in dowladda Suudaan ay qaadi doonto mas’uuliyadda sugida amniga iyo adeegyada muwaadiniinta gobolkaasi.

- Advertisement -

1-da Janaayo 2021, ciidamada UNAMID iyo shaqaalaha booliiska waxay diiradda saari doonaan sugidda amniga iyo hantida,waxaana intaa la raaciyay in ciidamada nabad ilaalinta ay heystaan muddo lix bilood ah oo ay ku soo gabagabeeyaan howshooda, taas oo lagu qaban doono qaab marxalad ah.

Toddobaadkii la soo dhaafay, Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay wuxuu isku raacay in la soo afjaro howlgalka UNAMID ee Darfur 31-ka Diseembar.

Sanadkii 2007-dii ciidamo nabad ilaalin ah aya la geeyay Gobolka Daarfuur,si loo soo afjaro dagaaladii ka  ka qarxay gobolkaasi sanadkii 2003-kii,kaas oo u dhaxeeyay ciidamada dowlada Suudaan iyo kooxaha mucaaradka.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories