HomeWararGuddiga lagu muransan yahay oo shaaciyay in isbaddal uu ku yimid waqtiga...

Guddiga lagu muransan yahay oo shaaciyay in isbaddal uu ku yimid waqtiga Doorashada

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (GHDHF) wuxuu daneeyeyaasha arrimaha doorashooyinka ku wargelinayaa in isbaddal uu ku yimid jadwalka doorashooyinka Golaha Aqalka Sare ee horey loo qorsheeyey in ay bilaabmato 31ka Diseembar 2020 ilaa 6da Jannaayo 2021. Guddigu waxa uu la wadaagayaa Madaxda  Dowladaha Xubnaha Ka ah Dowladda Federaalka in qabashada codsiyada murashixiinta Golaha Aqalka Sare […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (GHDHF) wuxuu daneeyeyaasha arrimaha doorashooyinka ku wargelinayaa in isbaddal uu ku yimid jadwalka doorashooyinka Golaha Aqalka Sare ee horey loo qorsheeyey in ay bilaabmato 31ka Diseembar 2020 ilaa 6da Jannaayo 2021.

Guddigu waxa uu la wadaagayaa Madaxda  Dowladaha Xubnaha Ka ah Dowladda Federaalka in qabashada codsiyada murashixiinta Golaha Aqalka Sare ay ku egtahay 5ta Jannaayo 2021, halka tartanka kuraasta Aqalka Sare loo asteeyay in la qabto inta u dhaxaysa 7-14 Jannaayo 2021.

- Advertisement -

Isbaddalka jadwalkan wuxuu ku saleysan yahay codsi Guddiga Doorashooyinka uga yimid Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor oo ku aaddan in muddadaa dib loo dhigo waqtiga loo asteeyey Doorashada Aqalka Sare.

Muddadaas waxaa lagu dhammeystirayaa hawlaha qabyada ah ee dhanka qabashda codsiyada murashixiinta iyo diyaarinta agabyada iyo deegaanka ay ku shaqeynayaan Guddiyada Maamulaya Doorashooyinka Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed.

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal waxa uu uga mahadcelinayaa Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada tixgelinta ay siiyeen codsiga Madaxweynaha Galmudug si doorashada Aqalka Sare ay hal mar u wada qabsoonto.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts