HomeWararDib u dhac ku yimid Shirkii Machadka Hiratage ee Garoowe + sababta

Dib u dhac ku yimid Shirkii Machadka Hiratage ee Garoowe + sababta

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland ayaa Maanta oo tallaado ah waxaa lagu waday inuu ka furmo Shirka Madasha Aragti Wadaagga Sanadlaha ee Machadka Hiratage, hayeeshee dib u dhac ayaa ku yimid. Agaasimaha Machadka Hirata Cabdirashiid Xaashi ayaa shaaciyay dib u dhaca ku yimid Shirka oo gelinka dambe ee Maanta la filayay inuu furmo, wuxuuna […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland ayaa Maanta oo tallaado ah waxaa lagu waday inuu ka furmo Shirka Madasha Aragti Wadaagga Sanadlaha ee Machadka Hiratage, hayeeshee dib u dhac ayaa ku yimid.

Agaasimaha Machadka Hirata Cabdirashiid Xaashi ayaa shaaciyay dib u dhaca ku yimid Shirka oo gelinka dambe ee Maanta la filayay inuu furmo, wuxuuna sababta ku sheegay inay tahay in Xaruntii loogu tala-galay in lagu qabto Shirka ay qaadi weyday Madaxda lagu casuumay shirkaas.

- Advertisement -

Agaasimaha oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Garoowe ayaa waxaa uu sheegay in Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni uu soo jeediyay in Xarunta markii horey lagu qaban lahaa Shirkaas laga wareejiyo, isla markaana waxaa loo wareejiyay Xarunta Jaamacadda PUS ee Garoowe.

Sidoo kale Agaasime Cabdirashiid Xaashi ayaa tilmaamay in maalinta berri oo Arbaco ah uu furmi doono Shirka Madasha Aragti Wadaagga Sanadlaha ee Machadka Hiratage, waxaana ka qeyb geli doona dad ka badan 500 oo qof, kuwaasi oo lagu casuumay Shirka.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka, Guddoomiyeyaasha labada Aqal ee Baarlamaanka, Musharaxiinta Madaxweynaha, qaar kamid Maamulada dalka, Xildhibaano, Wasiiro iyo Mas’uuliyiin kala duwan oo aad u badan ayaa ka qeyb galaya Shirka Madasha Machadka Hiratage, kuwaasi oo ku sugan Magaalada Garoowe.

- Advertisement -

Ajandaha shirka sanadkan ayaa waxaa uu yahay mid diiradda lagu saari doono Xasilinta Dalka amni ahaan, Dhameystirka Dastuurka, Qabashada Doorasho qof iyo cod ah Yagleelida Nidaam Federaal oo shaqeynaya, kaasi oo markii horreeyay lagu qabanayo dalka Soomaaliya.

Ammaanka guud ayaa siweyn loo adkeeyay, isla markaana waxaa waddooyinka qaarkood lagu daadiyay Ciidamo ka tirsan Puntland, kuwaasi oo sugaya amniga, maadaaama halkaas uu ka furmayo Shirweyne Caalami ah.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts