HomeCaalamkaMadaxweyne Donald Trump oo saxiixay sharci uu horey u diidanaa

Madaxweyne Donald Trump oo saxiixay sharci uu horey u diidanaa

Date:

Related stories

Wasiir Soomaali oo kulan la yeeshay Bangiga Adduunka

Wasiirka Isgaarsiinta Maxamed Soomaali oo Geneva kulan la yeeshay Bangiga Adduunka, isagoo ka hadlay Qorshaha Qaran ee DPI iyo iskaashiga caalamiga ah.

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

FBI oo $150,000 ku bixinaysa Fahad Nur oo Soomaaliya ku sugan

FBI oo $150,000 ku bixinaysa macluumaad horseeda qabashada Fahad Maxamed Nur oo ka baxsaday 2022, laguna eedeeyay inuu $5 milyan ka dhacay barnaamijka quudinta carruurta xilligii COVID-19.

IGAD Mobilises Stakeholders to Advance the Free Movement of Persons Protocol

The Intergovernmental Authority on Development (IGAD) has intensified efforts...

Soomaaliya oo bilaababday mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada

Soomaaliya oo bilaabay mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada – ma waxay ka caawin doontaa magaalooyinka?

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa saxiixay xirmo dhaqaale oo ka kooban 900 oo bilyan oo dollar oo loogu talo-galay in lagu caawiyo shacabka iyo ganacsiyada uu saameeyey cudurka Coronavirus. Sharcigan ayaa waxaa qeyb ka ah 1.4 trillion oo dollar oo ah miisaaniyadda dowladda ee illaa bisha September 2021, waxaana saxiixa madaxweynaha uu ka hortagaya inay […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa saxiixay xirmo dhaqaale oo ka kooban 900 oo bilyan oo dollar oo loogu talo-galay in lagu caawiyo shacabka iyo ganacsiyada uu saameeyey cudurka Coronavirus.

Sharcigan ayaa waxaa qeyb ka ah 1.4 trillion oo dollar oo ah miisaaniyadda dowladda ee illaa bisha September 2021, waxaana saxiixa madaxweynaha uu ka hortagaya inay istaagaan shaqooyinka dowladda.

- Advertisement -

Madaxweynaha ayaa sharcigan saxiixay kadib toddobaad uu diidanaa, oo uu cadaadis xooggan kala kulmayey sharci-dejiyayaasha dimoqraadiga iyo kuwa xisbigiisa Jamhuuriga.

Ma cadda sababta uu hadda Trump u beddelay mowqifkiisa, hase yeeshee ilo-wareedyo ayaa Reuters u sheegay in qaar ka mid ah la-taliyayaashiisa ay u sheegeen inuu dabco, ayada oo aysan jirin wax kaga soo kordhaya inuu mowqifkiisa ku adkeysto.

Trump oo xilka ka degaya 20-ka Janaayo ayaa markii hore dalbanayey in lacag loogu talo-galay shacabka oo ah 600 oo dollar qofkiiba laga dhigo 2,000, si uu u saxiixo sharciga. Xubnaha dimoqraadiga ayaa ogolaaday dalabkiisa una diyaar ahaa inay lacagta korrdhiyaan, hase yeeshee waxaa ka horyimid sharci-dejiyayaasha Jamhuuriga.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories