HomeCaalamkaTurkiga oo Digniin Culus u diray Jenaraalka falaagada ah ee Khaliifa Xaftar

Turkiga oo Digniin Culus u diray Jenaraalka falaagada ah ee Khaliifa Xaftar

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

Pheromone Maxxing:Rag Ka Taga Qubayska Si Ay U Soo Jiitaan Dumaraka.

Dhaqan cusub oo TikTok ku faafaya ayaa ragga qaar ku dhiirrigelinaya inay iska dhaafaan qubayska iyo deodorant-ka, iyagoo aaminsan in urta dabiiciga ah ay kordhin karto soo jiidashada.

Xasuuqii Rwanda: Nin Xabsi Daa’in Lagu Xukumay

Maxkamad ku taalla The Hague ayaa xabsi daa’in ku xukuntay muwaaddin Rwanda ah oo lagu helay dambiyo la xiriira xasuuqii 1994, kaddib baaritaan socday sannado iyo marqaatiyo badan oo la dhageystay.

Wasiirka difaaca Turkiga Hulusi Akar ayaa sheegay in weerar kasta oo ay ku soo qaadaan maleeshiyaadka beriga Libya ee uu hogaamiyo Janaraalka falaagada ah ee Khalifa Xaftar ciidkooda ku sugan waqooyiga ay la kulmi doonaan awood adag. “Dambiilaha dagaal, dilaaga Xaftar iyo taageeriyaashiisa waa in ay ogaadaan in ay la kulmi doonaan awoodda sharciga haddii […]

- Advertisement -

Wasiirka difaaca Turkiga Hulusi Akar ayaa sheegay in weerar kasta oo ay ku soo qaadaan maleeshiyaadka beriga Libya ee uu hogaamiyo Janaraalka falaagada ah ee Khalifa Xaftar ciidkooda ku sugan waqooyiga ay la kulmi doonaan awood adag.

“Dambiilaha dagaal, dilaaga Xaftar iyo taageeriyaashiisa waa in ay ogaadaan in ay la kulmi doonaan awoodda sharciga haddii ay beegsadaan ciidanka Turkiga, Hulusi Akar ayaa hadalkan u sheegay cutub ka tirsan ciidankooda oo ku sugan caasimadda Libya ee Tripoli xilli uu halkaas ku tagay safar aan horey loo sheegin” ayuu yiri Wasiirka.

- Advertisement -

Hadalka Wasiirka Gaashaandhigga Turkiga, Hulusi Akar ayaa imaanaya xilli ciidanka la baxay Libyan National Army ee uu hogaamiyo Xaftar ay isu diyaarinayaan in ay weeraraan ciidanka Turkiga ee taageerada u fidiya dowladda QM aqoonsan tahay ee Libya ee loo yaqaano xukuumadda heshiis qaran.

Wasiirka gaashaandhigga ayaa shalay safar ku tagay magaalada Tripoli iyadoo halkaas kulan kula yeeshay mas’uuliyiinta Libya iyo saraakiisha ciidanka ee Turkiga iyo Libya.

Taageerada Turkiga u fidiyay xukuumadda caalamku aqoonsan yahay ee Libya ayaa keentay in ay iska caabiyaan duulaan 14 bilood socday oo xoogaga Janaraal Xaftar ku soo qaadeen caasimadda Libya, iyadoo Xaftar ay taageero siinayeen dalalka; Imaaraadka Carabta, Masar iyo Russia.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories