HomeCaalamkaDad badan oo ku geeriyooday Doon quustay iyo sababta keentay

Dad badan oo ku geeriyooday Doon quustay iyo sababta keentay

Date:

Related stories

Macallin Texas ah oo ooyay ka dib markii ardayda sare ay wax qori wayeen

Macallin ka tirsan dugsi sare oo Texas ah ayaa ilmeynaya kadib markii uu ka hadlay arday 17 iyo 18 jir ah oo weli la tacaalaya xirfadaha aasaasiga ah ee akhriska iyo qorista.

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Meta Oo Wajahaysa Dacwad $1.4 Tirilyan Ah

Shirkadda Meta ayaa maxkamad federaal ah kula kulmaysa 29 gobol oo Mareykanka ah, kuwaas oo ku eedeeyay inay Facebook iyo Instagram si ula kac ah uga dhigtay baro dhalinyarada ku dhejiya,

Trump Oo Sharciga U Arka Caqabad Ku Hortaagan Xil Saddexaad

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu jeclaan lahaa inuu mar saddexaad u tartamo xilka madaxweynaha, balse uu qiray in sharciga Mareykanka uu arrintaasi caqabad ku yahay.

Trump oo si qarsoodi ah uga baxay Turkiga kadib hanjabaad Iran ah

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa la sheegay inuu si qarsoodi ah uga baxay Turkiga isagoo raacay diyaarad militari oo kale,

Doon ku degtay Harada Albert ee ku taal xadka ay wadaagaan Uganda iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Koongo ayaa waxa ay galaafatay nolosha 26 qof. Dabayl xooggan ayaa sababtay in doontu ay quusto, sarkaal maxalli ah ayaa sidaas u sheegay wakaaladda wararka ee AFP. Tobannaan qof ayaa saarnaa doonta ugu yaraanna 21 qof ayaa la soo […]

- Advertisement -

Doon ku degtay Harada Albert ee ku taal xadka ay wadaagaan Uganda iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Koongo ayaa waxa ay galaafatay nolosha 26 qof.

Dabayl xooggan ayaa sababtay in doontu ay quusto, sarkaal maxalli ah ayaa sidaas u sheegay wakaaladda wararka ee AFP. Tobannaan qof ayaa saarnaa doonta ugu yaraanna 21 qof ayaa la soo badbaadiyay, sida uu sheegay Ashraf Oromo.

- Advertisement -

Sarkaal bad-maax ah ayaa sheegay in badqabka oo aad u liita iyo cimilada oo si degdeg ah isu badalaysa ayaa waxa ay horseedday in shilalku ay caadi ka noqdeen haradan.

Doonta ayaa Arbacadii waxa ay u kala gooshaysay laba deegaan oo Uganda ah, markii dabayllo xooggan ay ku dhufteen kaddibna ay sidaas ku degtay.

Kooxaha samatabixinta ayaanan filayn inay soo saaraan dad shilkaas ka badbaaday, Mr Oromo ayaa sidaas sheegay. Sikastaba xaalku ha ahaadee, idaacad maxalli ah ayaa waxa ay soo xigatay odayga deegaankaas oo tilmaamay in weli baadigoobku uu soconayo.

- Advertisement -

Muwaadiniin u kala dhashay Koongo iyo Uganda oo saarnaa doonta ayaa ka mid ah dadka ay waxyeelladu soo gaartay, ayuu yiri Mr Tchovidong.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories