HomeCaalamkaItoobiya oo ku dhowaaqday qabashada doorashooyin

Itoobiya oo ku dhowaaqday qabashada doorashooyin

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Ethiopia ayaa qaban doonta doorashada baarlamaanka 5-ta June ee sanadka 2021, sidaasina waxaa Jimcaha maanta ah sheegay guddiga doorashooyinka qaranka, iyada oo ra’iisul wasaare Abiy Ahmed uu isku dayayo in uu joojiyo rabshadaha siyaasadeed iyo qowmiyadeed ee dhimashada badan dhaliyay ee ka dhacay dhowr gobol. Xisbiga Prosperity ee uu Abiy Ahmed aas aasay sanad ka […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ethiopia ayaa qaban doonta doorashada baarlamaanka 5-ta June ee sanadka 2021, sidaasina waxaa Jimcaha maanta ah sheegay guddiga doorashooyinka qaranka, iyada oo ra’iisul wasaare Abiy Ahmed uu isku dayayo in uu joojiyo rabshadaha siyaasadeed iyo qowmiyadeed ee dhimashada badan dhaliyay ee ka dhacay dhowr gobol.

Xisbiga Prosperity ee uu Abiy Ahmed aas aasay sanad ka hor, ayaa wajahaya caqabado uga imanaya xisbiyada ku abtirsada qowmiyadaha ee sii xoogeysanaya kuwaasi oo doonaya awood dheeri ah oo ay u helaan gobolladooda.

- Advertisement -

Dalka labaad ee ugu dadka badan qaaradda Afrika waxa uu leeyahay nidaam federaal ah iyo 10 dowlad goboleed, oo in badan oo ka mid ah ay ka dhex jiraan muranno xuduudeed.

Gobolka Waqooyiga ee Tigray, kumanaan dad ah ayaa la rumeysan yahay in ay ku dhinteen, 950,000 oo qofna ay ka barakeceen guryahoodii tan iyo markii uu dagaalka u dhexeeyay xoogagga gobolka iyo dowladda federaalka uu qarxay 4-tii November.

Tigray ayaa bishii September si iskeed ah u qabatay doorashadeeda, iyadoo ka dhega adeegaysa dowladda federaalka, oo ku tilmaamtay doorashadaasi mid sharci darro ah.

- Advertisement -

Guddiga doorashada ayaa sheegay in jadwalka taariikhda sanadka soo socda ee codbixinta aysan ku jirin doorasho ka dhacda gobolka Tigray.

Waxa uu guddigu sheegay in ay ku dhawaaqi doonto taariikhda doorashada gobolkaasi ka dhaceysa marka uu maamulka KMG ah ee gobolkaasi loo dhisay xilligii ay colaaddu socotay uu awood u yeesho in ay xafiisyada doorashooyinka ka hirgeliyaan halkaasi.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts