HomeWararWaddooyinka qaar ee Magaalada Muqdisho oo saaka xiran iyo sababta

Waddooyinka qaar ee Magaalada Muqdisho oo saaka xiran iyo sababta

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Waddooyinka qaar ee ku yaalla Magaalada Muqdisho ayaa saakay waxaa ay yihiin kuwa xiran, iyadoo loo diidayo inay isticmaalaan gaadiidka dadweynaha raacaan iyo kuwa sida gaarka loo leeyahay. Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka ayaa lagu arkayaa waddooyinka iyaga oo taagan, waxaana in wadada ay maraan oo kaliya loo ogyahay gaadiidka Mas’uuliyiinta […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Waddooyinka qaar ee ku yaalla Magaalada Muqdisho ayaa saakay waxaa ay yihiin kuwa xiran, iyadoo loo diidayo inay isticmaalaan gaadiidka dadweynaha raacaan iyo kuwa sida gaarka loo leeyahay.

Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka ayaa lagu arkayaa waddooyinka iyaga oo taagan, waxaana in wadada ay maraan oo kaliya loo ogyahay gaadiidka Mas’uuliyiinta dowladda iyo kuwa ay saaran yihiin Askarta.

- Advertisement -

Waddooyina la xiray ayaa waxaa kamid ah Wadada maka Al-mukarama, Jubba ilaa iyo Xamarweyne, wadnaha oo ka xiran Isgoysyada Hawlwadaag, Tarabuuka iyo kuwa kale oo muhiim u ah isku socodka dadka iyo gaadiidka.

Dadka ayaa saakay ah kuwa Cagtooda maalaya, isla markaan howlahooda shaqo iyo mida waxbarasho intaba ku tegaya lugta, waxaana lagu arkayaa iyaga oo socdaal ku maraya hareeraha laamiyada Caasimadda.

Sababta loo xiray Waddooyinka Caasimadda ayaa waxaa lagu sheegay inay tahay in Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu Maanta ka qeyb geli doono Munaasabad ka dhaceysa Xarunta Tiyaatanka Qaranka.

- Advertisement -

Inta badan Shacabka ku nool Gobolka Banaadir ayaa dhibaatooyin ku qaba xiliyada ay xiran yihiin wadooyinka Magaalada Muqdisho, iyagoona goobahooda Ganacsiga iyo Waxbarashada ku tega Cagtooda.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts