HomeWararMahdi Guuleed “Waxaan diyaar u nahay in aad dib u eegis ku...

Mahdi Guuleed “Waxaan diyaar u nahay in aad dib u eegis ku sameeyno Guddiyada Doorashooyinka”

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa ka hadlay Arrimaha doorashada dalka ka dhacaya dhammaadka sanadkaan 2020/21, xili weli uu muran ka taagan yahay Doorashada Soomaaliya. Mahdi Guuleed ayaa sheegay inay muhiim ay tahay in la fuliyo heshiiskii Madaxda dowladda Federaalka, Gobolka Banaadir iyo kuwa maamul Goboleedyada ka gaareen Doorashada bishii November ee […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa ka hadlay Arrimaha doorashada dalka ka dhacaya dhammaadka sanadkaan 2020/21, xili weli uu muran ka taagan yahay Doorashada Soomaaliya.

Mahdi Guuleed ayaa sheegay inay muhiim ay tahay in la fuliyo heshiiskii Madaxda dowladda Federaalka, Gobolka Banaadir iyo kuwa maamul Goboleedyada ka gaareen Doorashada bishii November ee sandkaan.

- Advertisement -

Isaga oo ka hadlaayay Munaasabad ka dhacday Xarunta Tiyaatarka Qaranka ayuu Mahdi ugu baaqay Madaxweyneyaasha maamul Goboleedyada inay fuliyaan heshiiskii la gaaray, si Doorashada aysan dhib u dhac ugu imaan.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka ayaa sidoo kale ka hadlay Guddiyada doorashada ee la magacaabay, isla markaana xiligaan uu ka taagan yahay muran xoogan, ayna kasoo horjeedan Guddiyadaas Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha.

Waxaa uu sheegay Mahdi Guuleed inay diyaar u yihiin in ay dib u eegis ku sameeyaan Guddiyada doorashada uu ka jiro muranka ee la diiday, laguna tilmaamay inay ku jiraan shaqaale dowladeed iyo xubno ka tirsan hay’adda NISA, si loo xaliyo tabashada.

- Advertisement -

Si kastaba Musharaxiinta Madaxweynaha ayaa horey uga soo horjeestay Guddigaas iyo maamulada Puntland iyo Jubbaland oo shuruud adeg ku xiray soo magacaabista Guddiyada laga sugayo ee ugu metelaya Guddiyada Doorashooyinka ee magacaaban.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts