HomeWararDowladda oo Ciidamo u dirtay degmo ay ka dhaceen dagaalo khasaaro geystay

Dowladda oo Ciidamo u dirtay degmo ay ka dhaceen dagaalo khasaaro geystay

Date:

Related stories

Duq magaalo oo Mexico ah oo “guursaday” yaxaas si loo raadiyo barwaaqo

Duqa magaalada San Pedro Huamelula ee Mexico ayaa ka qeybgalay xaflad dhaqameed uu “ku guursaday” yaxaas loo labisay sida aroosad, iyadoo dadka deegaanka ay rumeysan yihiin in munaasabaddan ay keento barwaaqo, roob iyo wax-soo-saar wanaagsan.

Haweeney Ruush ah oo 27 jeer uur qaaday, 69 carruur ah dhashay

Valentina Vassilyeva ayaa taariikhda lagu xusay inay 27 jeer uur qaadday, iyadoo dhashay 69 carruur ah, oo ay ku jiraan 16 laban-laab, 7 saddex-laab iyo 4 afar-laab.

The Economist oo Daaha Ka Rogtay Isbeddelka Amniga Caasimadda Soomaaliya

Warbixin cusub oo The Economist soo saartay ayaa tilmaamaysa hoos u dhac weyn oo ku yimid weerarrada Al-Shabaab ee Muqdisho, iyadoo weerarradii la diiwaangeliyay ay hoos uga dhaceen 144 ilaa 5.

Macallin Texas ah oo ooyay ka dib markii ardayda sare ay wax qori wayeen

Macallin ka tirsan dugsi sare oo Texas ah ayaa ilmeynaya kadib markii uu ka hadlay arday 17 iyo 18 jir ah oo weli la tacaalaya xirfadaha aasaasiga ah ee akhriska iyo qorista.

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Taliyaha Ciidanka dhulka ee Xoogga dalka Soomaaliyeed Gen. Maxamed Tahliil Biixi (Shariifu Arwaax) iyo saraakiil u hogaaminayo ayaa gaaray degmada Wanla-weyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose ee Koonfur Galbeed. Ujeedka Taliye Maxamed Tahliil iyo Ciidanka la socday ay u tageen Wanla-weyn ayaa waxaa uu yahay howlo nabadeed, kadib markii maalmihii lasoo dhaafay halkaas uu ka dhacay […]

- Advertisement -

Taliyaha Ciidanka dhulka ee Xoogga dalka Soomaaliyeed Gen. Maxamed Tahliil Biixi (Shariifu Arwaax) iyo saraakiil u hogaaminayo ayaa gaaray degmada Wanla-weyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose ee Koonfur Galbeed.

Ujeedka Taliye Maxamed Tahliil iyo Ciidanka la socday ay u tageen Wanla-weyn ayaa waxaa uu yahay howlo nabadeed, kadib markii maalmihii lasoo dhaafay halkaas uu ka dhacay dagaal u dhexeeyay laba maleeshiyo beeleed.

- Advertisement -

Sidoo kale Taliyaha Ciidanka dhulka ee Xoogga dalka ayaa kulan  la qaatay Odayaasha dhaqanka beelaha dirirto dhax martay ee wada dega degmada Wanla-weyn, iyagoo ka wada hadlay sidii nabad iyo xasilooni waarta loogu heli dadka iyo deegaanka.

Saraakiisha Ciidanka ayaa wada dadaalo ay ku doonayaan in lagu soo afjaro Colaad u dhexeeysa beelaha dagaalamay, kuwaasi oo u dhexmaray dagaal geystay  khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Degmada Wanla-weyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa horey uga dhacay dagaal beeleedyo xun oo dad inta la dilay, kadibna meydka la gubay, waxaana markii dambe dhacdooyinkaas ku baxay Ciidanka dowladda iyo Maxkamadda Ciidamada.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories