HomeWararMadaxweynaha Ghana oo dib loo doortay iyo Muran ka dhashay

Madaxweynaha Ghana oo dib loo doortay iyo Muran ka dhashay

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Madaxweynaha Ghana Nana Akufo-Addo ayaa dib loo doortay isagoo heley 51.59%, sida arbacadii ay shaaciyeen guddiga doorashada, iyadoo dalka ay ka dhaceen rabshado intii lagu jirey doorashada. Natiijadan ayaa lagu muransan yahay iyadoo shan kamid ah murashaxiinta sheegeen in ay ku guuleyteen doorashada, isniintii shan qof ayaa la dilay markii ay dhaceen rabshado, sida ay […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha Ghana Nana Akufo-Addo ayaa dib loo doortay isagoo heley 51.59%, sida arbacadii ay shaaciyeen guddiga doorashada, iyadoo dalka ay ka dhaceen rabshado intii lagu jirey doorashada.

Natiijadan ayaa lagu muransan yahay iyadoo shan kamid ah murashaxiinta sheegeen in ay ku guuleyteen doorashada, isniintii shan qof ayaa la dilay markii ay dhaceen rabshado, sida ay booliisku sheegeen.

- Advertisement -

Ciidanka booliiska waxay sheegeen in 60 dhacdo diiwaan geliyeen intii ay socotay codbixinta doorashada isniintii, madaxweyne Nana Akufo-Addo waxaa la tartamaya10 murashax oo uu ku jiro madaxweynihii hore John Mahama.

Kor joogtadad madaxa banaan ee doorashada ayaa u hambalyeeyay madaxweynaha, ayagoo qiray in doorashada ay ku dhacday jawi nabad ah oo la jaan qaadaya dalka ugu dimoqraadiyadsan galbeedka Afrika.

Laakiin xiisad ayaa dhalatay markii labada xarun ee madaxweyne hore Mahama iyo Akufo-Addo lagaga dhawaaqay natiijo iska soo hor jeedda.

- Advertisement -

Waxaa jirey eedeymo ku saabsan in dowladda cadaadis saartay mucaaradda intii ololaha doorashada socdeen,  iyadoo adeegsanaysa ciidanka qaranka.

Wasiirka warfaafinta Ghana, Kojo Oppong Nkrumah, oo war fidiyeenka la hadlay ayaa sheegay in eedeymaha dowladda loo soo jeediyay ay yihiin kuwo been abuur ah.

Akufo-Addo ayaa intii uu ku jirey ololaha doorashada waxaa uu balan qaaday in uu sameyn doono mashaariic ay ku baxayso $17bln oo dollar, kuwaas oo lagu horumarin doono dhaqaalaha dalka Ghana oo la liicaya sameynta COVID-19.

Madaxweyne  Nana Akufo- Addo ayaa la doortay  2016.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts