HomeWararDowladda Soomaaliya oo ka hadashay dagaalkii iyo Bannaanbixii ka dhacay Baladweyne

Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay dagaalkii iyo Bannaanbixii ka dhacay Baladweyne

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Dowladda Soomaaliya ayaa wadda dadaallo la doonayo in wax looga qabto Rabshadaha iyo khilaafka Siyaasadeed ee kasoo cusboonaaday Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, waxaana Magaalada ku sugan Wasiirka Arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya Mukhtaar Xuseen Afrax. Wasiirka oo shalay gaaray Baladweyne ayaa kulamo kala duwan waxaa uu la qaatay Qaybaha kala duwan […]

- Advertisement -

Dowladda Soomaaliya ayaa wadda dadaallo la doonayo in wax looga qabto Rabshadaha iyo khilaafka Siyaasadeed ee kasoo cusboonaaday Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, waxaana Magaalada ku sugan Wasiirka Arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya Mukhtaar Xuseen Afrax.

Wasiirka oo shalay gaaray Baladweyne ayaa kulamo kala duwan waxaa uu la qaatay Qaybaha kala duwan e bulshada reer Hiiraan, waxaana inta badan kulamadas lagu lafa guray arrimaha ka taagan Gobolka.

- Advertisement -

Shirjaraa’id oo uu qabtay Wasiiirka Arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya Mukhtaar Xuseen Afrax ayaa waxaa uu kaga hadlay waxyaabihii ay ka wada hadleen isaga iyo Odayaasha uu la kulmay, waxaana uu sheegay in ay isla meel dhigeen Qodobbo dhowr ah oo quseeya xaaladda Gobolka Hiiraan.

Waxaa sidoo kale uu sheegay Mukhtaar Xuseen Afrax in ay u dhiman yihiin kulamo waaweyn oo uu la qaadan doono Odayaasha iyo waxgaradka reer Hiiraan.

Magaalada Baladweyne ayaa saaka waxaa ka dhacay dagaal u dhexeeya Jabhadda hubeysan ee General Xuud iyo Ciidanka Dowladda, waxaana xigay bannaan bax ballaran oo ay dhigeen bulshada reer Baladweyne oo ay kaga soo horjeedaan Maamulka Cusub ee Hir-shabeelle.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories