HomeWararDonald Trump oo amray in Somalia laga soo saaro Ciidanka Mareykanka

Donald Trump oo amray in Somalia laga soo saaro Ciidanka Mareykanka

Date:

Related stories

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

FBI oo $150,000 ku bixinaysa Fahad Nur oo Soomaaliya ku sugan

FBI oo $150,000 ku bixinaysa macluumaad horseeda qabashada Fahad Maxamed Nur oo ka baxsaday 2022, laguna eedeeyay inuu $5 milyan ka dhacay barnaamijka quudinta carruurta xilligii COVID-19.

IGAD Mobilises Stakeholders to Advance the Free Movement of Persons Protocol

The Intergovernmental Authority on Development (IGAD) has intensified efforts...

Soomaaliya oo bilaababday mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada

Soomaaliya oo bilaabay mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada – ma waxay ka caawin doontaa magaalooyinka?

Somalia Pushes for Visa-Free Horn of Africa

Mogadishu hosts a three-day IGAD meeting on easing cross-border movement, as officials push forward a regional integration plan first launched in 2017.

Waaxda gaashaandhigga Mareykanka ee The Pentagon ayaa sheegeysa in madaxweyne Trump uu dalbaday in ku dhawaad dhammaan ciidamada Mareykanka laga soo saaro gudaha Soomaaliya ka hor inta uusan xilka wareeejin bisha soo socota. Trump ayaa horey u amray in la dhimo tirada ciidamada Mareykanka ka jooga waddamada Afqaanistaan iyo Ciraaq. Inkastoo hawlgalka Mareykanka ee Soomaaliya […]

- Advertisement -

Waaxda gaashaandhigga Mareykanka ee The Pentagon ayaa sheegeysa in madaxweyne Trump uu dalbaday in ku dhawaad dhammaan ciidamada Mareykanka laga soo saaro gudaha Soomaaliya ka hor inta uusan xilka wareeejin bisha soo socota.

Trump ayaa horey u amray in la dhimo tirada ciidamada Mareykanka ka jooga waddamada Afqaanistaan iyo Ciraaq.

- Advertisement -

Inkastoo hawlgalka Mareykanka ee Soomaaliya uusan sidaa u sii weynayn, haddana ciidamadaasi Mareykanka ee gaaraya 700 waxay door muhiim ah ka qaataan ololaha la dagaalanka Al-Shabaab iyo mintidiinta kooxda la baxday Dowladda Islaamka.

Ururka Al-Shabaab oo xiriirka la leh Al-Qaacidda ayaa taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika waxay u arkaan halista ugu weyn ee ka jirta qaaradda Afrika.

Al-Shabaab ayaa la sheegayaa in uu sii tayaynayo xirfaddiisa ku aadan sameynta qaraxyada. Iyadoo ay taa jirto ayaa Madaxweyne Donald Trump waxa uu amray in Soomaaliya laga soo saaro dhammaan ciidamada Mareykanka ee tababarrada siiya ciidamada gaarka ah ee Soomaaliya isla markaana gacanta ka siiyo ka hortagga kacdoonnada hubeysan.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories