HomeCaalamkaSacuudiga oo iska fogeeyey dilkii loo geystay Saynisyahankii Nukliyeerka

Sacuudiga oo iska fogeeyey dilkii loo geystay Saynisyahankii Nukliyeerka

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Wasiir Sacuudiyaan ah ayaa Talaadadii ku dhalleeceeyey wasiirka arrimaha dibedda Iran inuu soo jeediyey in Riyadh ay kaalin ku laheyd khaarijinta saynisyahankii ugu sarreeyey Nukliyeerka Iran Mohsen Fakhrizadeh. Fakhrizadeh ayaa Jimcihii lagu dilay Tehran kadib iska horimaad dhex maray ilaaladiisa iyo koox hubeysan oo baabuurkiisa la beegsaday qarax iyo rasaas. Wasiirka arrimaha dibedda Iran Mohammad […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wasiir Sacuudiyaan ah ayaa Talaadadii ku dhalleeceeyey wasiirka arrimaha dibedda Iran inuu soo jeediyey in Riyadh ay kaalin ku laheyd khaarijinta saynisyahankii ugu sarreeyey Nukliyeerka Iran Mohsen Fakhrizadeh.

Fakhrizadeh ayaa Jimcihii lagu dilay Tehran kadib iska horimaad dhex maray ilaaladiisa iyo koox hubeysan oo baabuurkiisa la beegsaday qarax iyo rasaas.

- Advertisement -

Wasiirka arrimaha dibedda Iran Mohammad Javad Zarif ayaa Isniintii qoraal uu soo dhigay Instagram ku sheegay in kulan qarsoodi ah oo dhex-maray dhaxal-sugaha Sacuudiga Mohammed bin Salman iyo ra’iisul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu, uu horsed u ahaa khaarijinta, isaga oo tuhmaya inuu ahaa “shirqool”.

“Ma ahan siyaasadda Sacuudiga inay ku lug yeelato dilalka,” ayuu intaas ku daray.

Si ka duwan dalalka kale ee Khaliijka, Sacuudi Carabiya oo xifaaltan xooggan uu kala dhaxeeyo Iran ayaan si rasmi ah u cambaareyn khaarijinta Mohsen Fakhrizadeh.

- Advertisement -

Bishii tegtay, Netanyahu oo uu wehliyo Yosef Cohen oo ah madaxa hay’adda sirdoonka Israel ee Mossad, ayaa socdaal qarsoodi ah ku tegay Sacuudiga, halkaasi oo uu kula kulmay Mohamed Bin Salman, inkasta oo Riyadh ay beenisay kulankaas.

Israel iyo Sacuudiga ayaa Iran u arkay inay tahay halis ay si isku mid ah u wajahayaan.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts