HomeWararSawirro:-Al-shabaab oo soo Bandhigtay gaadiid ay ku qabsatay weerarkii shalay

Sawirro:-Al-shabaab oo soo Bandhigtay gaadiid ay ku qabsatay weerarkii shalay

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Deegaanka Bacaadweyn ee Gobolka Mudug ayaa waxaa shalay ka dhacay dagaal aad u xoogan oo u dhexeeyay Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwa Galmudug iyo dagaalamayaasha Al-shabaab. Dagaalkaas oo qaatay saacado badan ayaa ka dambeeyay, kadib markii Al-shabaab ay weerar Culus oo dhowr jiho ah ay ku qaadeen Saldhig Ciidanka dowladda iyo kuwa Galmudug ay ku […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Deegaanka Bacaadweyn ee Gobolka Mudug ayaa waxaa shalay ka dhacay dagaal aad u xoogan oo u dhexeeyay Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwa Galmudug iyo dagaalamayaasha Al-shabaab.

Dagaalkaas oo qaatay saacado badan ayaa ka dambeeyay, kadib markii Al-shabaab ay weerar Culus oo dhowr jiho ah ay ku qaadeen Saldhig Ciidanka dowladda iyo kuwa Galmudug ay ku leeyihiin deegaanka Bacaadweyn, la isku adeegsaday hub Culus.

- Advertisement -

Khasaaro lixaad leh oo isugu jiray dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaalkii ka dhacay oo soo kala gaaray labada dhinac oo guulo waaweyn kala sheegtay dagaalkii oo lagu tilmaamay midkii ugu cuslaa ee muddooyinkii dambe ka dhacay Mudug.

Al-shabaab ayaa soo Bandhigtay gaadiid nooca dagaalka iyo Meydad ay ku sheegeen inay yihiin qaar kamid ah Askartii Ciidanka dowladda Federaalka ee lagu dilay weerarka, waxaana sawirrada lagu faafiyay baraha qadka ee Shabaab.

Sidoo kale Shabaab ayaa sheegtay inay weerarka ku qabsatay illaa 6 gaari oo ay ku rakiban yihiin qoryaha culus waxayna kala yihiin 2 gaari oo Zuugag ay ku rakibanyihiin, sedax Cabdi Bile oo dhashiikayaal ay ku rakiban yihiin iyo gaari uu saaranyahay qoriga B10-ka loo yaqaan iyo hub.

- Advertisement -

Waxaa kaloo ay sheegeen Al-shabaab inay dileen 56 askari oo ka tirsan Ciidankii dowladda ee ku sugnaa Saldhiga ay weerarka ku qaadeen, iyagoo tilmaamay in Askarta la dilay ay ku jireen sedax sarkaal, waa sida hadalka loo dhigay.

Dhinac kale Wasaaradda amniga Galmudug iyo Saraakiisha Ciidanka dowladda qeybta 21-aad ayaa dhankooda sheegtay in weerarkii deegaanka Bacaadweyn ay ku dileen in ka badan 50 dagaalame oo Shabaab ahaa, halka xubno kalena ay gacanta ku dhigeen.

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts