HomeWararRooble oo Safiirada taageera DFS u gudbiyay qorshe ku aadan Caddaaladda

Rooble oo Safiirada taageera DFS u gudbiyay qorshe ku aadan Caddaaladda

Date:

Related stories

Somalia Completes First Legal Internship for 34 Women Lawyers

Thirty-four women lawyers complete Somalia's first national legal empowerment internship, boosting female representation across courts and prosecution services.

Turkiga oo $1 bilyan maal-gashaday Soomaaliya balse ka reebay e-Visa

Turkiga oo $1 bilyan ku maal-gashaday Soomaaliya balse ka reebay muwaadiniinta Soomaaliyeed nidaamka e-Visa, iyadoo ay tahay inay fiisooyinka ka soo gudbiyaan safaaradaha. Soomaaliya ayaa la filayaa inay ka wada hadasho Turkiga si loo xalliyo arrintan.

IOM Flies 56 Migrants Back to Ethiopia

 It was a sombre scene at the Bosaso port...

Turkey renews Somalia military deployment for two more years

Turkey's parliament has approved a two-year extension of its...

44 Somali Pirates Sentenced to Life in India

A special court in Mumbai has sentenced 44 Somali...

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddoomiyey shirka guddiga amniga iyo Caddaaladda (CAS) oo ay ka soo qaybgaleen Hay’adaha Caddaaladda iyo amniga, wakiilo ka socday Qaramada Midoobay, Howlgalka Midowga Afrika (AMISOM) iyo bah-wadaagta caalamiga ah ee Soomaaliya ka taageerta dhinacyada amniga iyo caddaaladda. Shirka ayaa diiradda saaray xoojinta awoodda hay’adaha amniga iyo […]

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddoomiyey shirka guddiga amniga iyo Caddaaladda (CAS) oo ay ka soo qaybgaleen Hay’adaha Caddaaladda iyo amniga, wakiilo ka socday Qaramada Midoobay, Howlgalka Midowga Afrika (AMISOM) iyo bah-wadaagta caalamiga ah ee Soomaaliya ka taageerta dhinacyada amniga iyo caddaaladda.

Shirka ayaa diiradda saaray xoojinta awoodda hay’adaha amniga iyo caddaaladda, iyadoo lagu qiimeeyey wax yaabihii qabsoomay sanadkii tagey, isla markaana laga wada hadlay kuwa sanadkan wax laga qabanayo.

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Safiirrada Soomaaliya ka taageera dhinacyada amniga iyo Caddaaladda u xaqiijiyay in ay ka go’an tahay xukuumadda dib u habeynta loo baahan yahay si dalka loo horumariyo, loona xoojiyo dhismaha iyo tayeynta hay’adaha ku shaqada leh Caddaaladda iyo amniga.

Danjireyaasha iyo Wakiillada shirka ka qeyb galay ayaa boggaadiyey qorshaha Xukuumadda ee ku aaddan sidii amniga iyo caddaaladda dalka salka loogu dhigi lahaa, iyadoo ay ka qeyb qaadanayaan dhammaan dhinacyada ay quseyso, si sare loogu qaado dadaalka mideysan ee lagu adkaynayo hay’adaha asasaaska u ah dowladnimada.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories