HomeWararXal laga gaaray xiisad sababtay in la xirto waddo muhiim ah

Xal laga gaaray xiisad sababtay in la xirto waddo muhiim ah

Date:

Related stories

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Madaxweyne Xasan oo tababar u soo xiray saraakiil

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tababar u soo xiray saraakiil ka qalin jebiyay Dugsiga TURKSOM, isagoo ku bogaadiyay dadaalkooda iyo adkaysigooda.

Dowladda iyo Mucaaradka oo isku afgartay wadahadal

Dowladda Soomaaliya iyo mucaaradka ayaa isku raacay in la sii wado wadahallada ku saabsan hannaanka doorashooyinka, iyadoo la hiigsanayo in shacabku si toos ah uga qayb qaataan doorashooyinka.

Wasiir Soomaali oo kulan la yeeshay Bangiga Adduunka

Wasiirka Isgaarsiinta Maxamed Soomaali oo Geneva kulan la yeeshay Bangiga Adduunka, isagoo ka hadlay Qorshaha Qaran ee DPI iyo iskaashiga caalamiga ah.

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

Maamulka Galmudug oo kaashanaya ciidamada amniga qaranka gaar ahaan ciidamada boliiska iyo kuwa xoogga dalka ayaa ku guuleeystay xalinta xiisad colaadeed maalmihii u danbeeyay ka jirtay deegaannada Baxdo-gaabo iyo wanakiir oo ku yaalla xadka kala qeybiya gobollada Mudug iyo Galguduud, kuwaas oo ka dhashay muran ku aaddan baraago iyo bacaha biyaha lagu keydiyo. Ciidamada ammaanka […]

- Advertisement -

Maamulka Galmudug oo kaashanaya ciidamada amniga qaranka gaar ahaan ciidamada boliiska iyo kuwa xoogga dalka ayaa ku guuleeystay xalinta xiisad colaadeed maalmihii u danbeeyay ka jirtay deegaannada Baxdo-gaabo iyo wanakiir oo ku yaalla xadka kala qeybiya gobollada Mudug iyo Galguduud, kuwaas oo ka dhashay muran ku aaddan baraago iyo bacaha biyaha lagu keydiyo.

Ciidamada ammaanka iyo mas’uuliyiinta maamulka Galmudug ayaa gabi ahaanba aasay baraagihii iyo biyo keydiyaashii kale ee muranku ka jiray. Qaar ka mid odayaasha deegaanadaasi ayaa ka mahad celiyay tallaabooyinka uu qaaday maamulka Galmudug, iyagoo xusay in ay tahay tallaabo wanaagsan oo horay loo qaaday.

- Advertisement -

Taliyaha qeybta boliiska gobalka Mudug gaashaanle dhexe Qaasim Shirdoon Cali ayaa tilmaamay kaalinta ciidanka booliiska fadaraalka ee ka howlgala magaalooyinka Gaalkacyo iyo Cadaado ay ka geysteen xalinta xaaladaha kasoo cusboonaaday deegaanadasi, isagoo sheegay in is afgarad wanaagsan laga gaaray arrintaan.

Guddoomiyaha guddiga arrimaha bulshada baarlamaanka Galmudug xildhibaan Yoonis Maxamed Shaare ayaa ka mahad celiyay dadaalka ciidamda amniga qaranku ay uga qeyb qaateen xalinta xaaladaha ka jiray deegaannada Baxdo gaabo iyo Wana kiir.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories