HomeWararMaxay ka wada hadleen Qoorqoor iyo Madaxweynihii hore ee Galmudug?

Maxay ka wada hadleen Qoorqoor iyo Madaxweynihii hore ee Galmudug?

Date:

Related stories

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

FBI oo $150,000 ku bixinaysa Fahad Nur oo Soomaaliya ku sugan

FBI oo $150,000 ku bixinaysa macluumaad horseeda qabashada Fahad Maxamed Nur oo ka baxsaday 2022, laguna eedeeyay inuu $5 milyan ka dhacay barnaamijka quudinta carruurta xilligii COVID-19.

IGAD Mobilises Stakeholders to Advance the Free Movement of Persons Protocol

The Intergovernmental Authority on Development (IGAD) has intensified efforts...

Soomaaliya oo bilaababday mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada

Soomaaliya oo bilaabay mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada – ma waxay ka caawin doontaa magaalooyinka?

Somalia Pushes for Visa-Free Horn of Africa

Mogadishu hosts a three-day IGAD meeting on easing cross-border movement, as officials push forward a regional integration plan first launched in 2017.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor oo ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa kulan la qaatay Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed. Kulanka ayaa markiisii hore waxaa uu ahaa Is xog-warraysi, kadibna waxaa looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee xiligaan dalka uu marayo, tan Galmudug iyo Arrimaha Doorashooyinka dhacaya 2020/2021. C/kariin Xuseen Guuleed ayaa […]

- Advertisement -

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor oo ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa kulan la qaatay Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Kulanka ayaa markiisii hore waxaa uu ahaa Is xog-warraysi, kadibna waxaa looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee xiligaan dalka uu marayo, tan Galmudug iyo Arrimaha Doorashooyinka dhacaya 2020/2021.

- Advertisement -

C/kariin Xuseen Guuleed ayaa Madaxweyne Qoorqoor ayaa boggaadiyay ka miro dhalinta arrimaha Dib-u-heshiisiinta ee ka sameeyay deegaana Maamulka, dhismaha dowlad Goboleedka Galmudug.

Sidoo kale Madaxweynihii hore Galmudug ayaa Qoorqoor uga mahadceliyay dadaalkii uu ka qaatay heshiiskii rasmiga ahaa ee Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada ka gaareen doorashada dalka.

Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa Magaalada Muqdisho dib ugu soo laabtay khamiistii lasoo dhaafay, isagoo in muddo ah ka maqnaa, isla markaana haatan kamid ah Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories