HomeWararMadaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle oo Booqday xero Ciidan fariina diray

Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle oo Booqday xero Ciidan fariina diray

Date:

Related stories

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026, isagoo Spain ku hoggaamiyay guushii ay ka gaareen Argentina. Wuxuu noqday ciyaaryahanki 4aad ee taariikhda ku guulaysta Koobka Adduunka

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigtay finalka Koobka Adduunka 2026

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigaysa finalka Koobka Adduunka 2026, iyadoo ku soo bandhigtay heesta "Dai Dai" ay weheliyaan Burna Boy, Madonna, Justin Bieber iyo Ghetto Kids

Ferran Torres: Spain waxay leedahay 26 hoggaamiye Koobka Adduunka 2026

Ferran Torres oo sheegay in xulka Spain uu leeyahay 26 hoggaamiye, isagoo xasuusiyay koobkii 2010-kii iyo David Villa. Akhri wararka cusub ee Koobka Adduunka 2026.

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Madaxweyne ku-xigeenka dowlad Goboleedka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Daba-geed) oo ku sugan Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa booqday Xerada Ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa AMSIOM ee lama-gaalay. Yuusuf Daba-geed ayaa kulan la qaatay Saraakiisha Ciidanka Xoogga dalka ee guutada 5-aad, waxaana Saraakiisha Madaxweyne ku-xigeenka ay warbixin guud ka siiyeen howlgaladii ugu dambeeyay […]

- Advertisement -

Madaxweyne ku-xigeenka dowlad Goboleedka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Daba-geed) oo ku sugan Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa booqday Xerada Ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa AMSIOM ee lama-gaalay.

Yuusuf Daba-geed ayaa kulan la qaatay Saraakiisha Ciidanka Xoogga dalka ee guutada 5-aad, waxaana Saraakiisha Madaxweyne ku-xigeenka ay warbixin guud ka siiyeen howlgaladii ugu dambeeyay ee Ciidanka ka fuliyeen deegaano ka tirsan Hiiraan.

- Advertisement -

Sidoo kale Daba-geed ayaa Saraakiisha ka xog-wareysatay sida ay ugu diyaar garooween sugida amniga Doorashada Xildhibaanada dowladda Federaalka ee ka dhaceysa Baladweyne oo kamid ah deegaannada Hirshabelle ee lagu qabanayo Doorashada.

Saraakiisha guutada 5-aad Ciidamada ayaa sheegay inay wadaan dalaalo lagu xaqiijinayo amniga, isla markaana wadashaqeyn kala dhexeeyso laamaha amniga kala duwan ee Magaalada, wuxuuna Yuusuf Daba-geed faray Ciidanka dardar-gelinta sugida amniga

Booqashada  uu Madaxweyne ku-xigeenka ku tegay Xerada Ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa AMSIOM ee lama-gaalay ayaa waxaa ku wehlinayay Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka Hirshabeelle, Guddoomiyaha G/Hiiraan iyo Saraakiil kale.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories