HomeWararFasah faahin:-Dil ka dhacay degaan ka tirsan Hiiraan iyo xiisad taagan

Fasah faahin:-Dil ka dhacay degaan ka tirsan Hiiraan iyo xiisad taagan

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Rag ku hubeysnaa Qori Ak-47 ayaa xalay deegaan ka tirsan Gobolka Hiiraan ku dilay Nin shacab ah oo kamid ahaa dadka deegaanka, sida ay sheegayaan wararka aan halkaas ka heleyno. Dilkaas ayaa ka dhacay deegaanka qabno ee hoostega degmada Matabaan ee Hiiraan, waxaana Ninkaas lagu furay xabado, isagoo u geeriyooday, isla markaana waxaa goobta ka […]

- Advertisement -

Rag ku hubeysnaa Qori Ak-47 ayaa xalay deegaan ka tirsan Gobolka Hiiraan ku dilay Nin shacab ah oo kamid ahaa dadka deegaanka, sida ay sheegayaan wararka aan halkaas ka heleyno.

Dilkaas ayaa ka dhacay deegaanka qabno ee hoostega degmada Matabaan ee Hiiraan, waxaana Ninkaas lagu furay xabado, isagoo u geeriyooday, isla markaana waxaa goobta ka baxsaday ragii ka dambeeyay falkaas.

- Advertisement -

Maleeshiyaad hubeysan una abaabulnaa hab qabiil ayaa la sheegay in Ninkaas ay dileen, waxaana falkaas uu ahaa mid la xiriiray aano qabiil oo muddooyinkii ugu dambeeyay ka taagneyd deegaano Miyi ah oo ka tirsan Gobolka Hiiraan.

Wararka Maanta aan ka heleyno deegaano hoostega Matabaan gaar ahaan deegaanka dilka uu ka dhacay ee qabno ayaa sheegay inay halkaas ka taagan tahay xiisad u dhexeeysa laba maleeshiyo beeleed, isla markaana laga cabsi qabo inuu dhaco dagaal.

Si kastaba dhawaan ayay aheyd maamulada Hirshabeelle iyo Galmudug ay xaliyeen maleeshiyo beeleed ku dagaalamay Gobolka Hiiraan, kuwaasi oo dagaalkooda markii horey ka bilowday dil la xiriiray aano qabiil iyo dhul-daaqsimeedyo.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories