HomeWararFarmaajo oo ka hadlay geerida Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Carte

Farmaajo oo ka hadlay geerida Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Carte

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay -Alle ha u naxariistee- Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Marxuum Cumar Carte Qaalib oo maanta ku geeriyooday magaalada Hargeysa. Madaxweynaha ayaa xusay muddadii dheerayd ee Marxuumku uu u soo shaqeeyay dalka iyo […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay -Alle ha u naxariistee- Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Marxuum Cumar Carte Qaalib oo maanta ku geeriyooday magaalada Hargeysa.

Madaxweynaha ayaa xusay muddadii dheerayd ee Marxuumku uu u soo shaqeeyay dalka iyo dadka Soomaaliyeed, isaga oo soo qabtay xilal diblumaasiyadeed oo door weyn ka qaatay sare u qaadidda maqaamka iyo magaca dalkeennu ku leeyahay caalamka.

- Advertisement -

“Alle ha u naxariistee Marxuum Cumar Carte Qaalib waxa uu door weyn kasoo qaatay bilowgii dowladnimadeena. Waxa uu soo noqday Ra’iisul Wasaare iyo Wasiir Arrimo dibadeed. Waxaan xasuusannahay sida uu dadaalka ugu bixiyay in Qaranka Soomaaliyeed uu si mugleh uga dhex muuqdo saaxada siyaasadeed ee caalamka”.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Marxuumka Alle u weydiiyey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa iyo guud ahaan Dowladda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories