HomeWararFaah faahin:-Sarkaal Ciidan oo la dilay iyo Al-shabaab oo ka hadlay

Faah faahin:-Sarkaal Ciidan oo la dilay iyo Al-shabaab oo ka hadlay

Date:

Related stories

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Rag hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab ayaa saacadihii lasoo dhaafay deegaan hoostega Magaalada Mandheera ee Gobolka Waqooyi barri ee Kenya waxaa ay ku dileen Sarkaal ka tirsan Ciidanka dowladdaas. Dilkaas ayaa ka dhacay deegaanka Caliyaale ee hoostaga Mandheera, waxaana looga geystay sarkaalkaas xili uu ku sugnaa halkaas, isagoo lagu dhuftay rasaas dhowr ah oo markii […]

- Advertisement -

Rag hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab ayaa saacadihii lasoo dhaafay deegaan hoostega Magaalada Mandheera ee Gobolka Waqooyi barri ee Kenya waxaa ay ku dileen Sarkaal ka tirsan Ciidanka dowladdaas.

Dilkaas ayaa ka dhacay deegaanka Caliyaale ee hoostaga Mandheera, waxaana looga geystay sarkaalkaas xili uu ku sugnaa halkaas, isagoo lagu dhuftay rasaas dhowr ah oo markii dambe u geeriyooday.

- Advertisement -

Al-shabaab warar ay ku qoreen barahooda qadka ayay ku sheegteen mas’uuliyada dilka Sarkaalka ka tirsnaa Ciidanka Kenya, iyagoona sheegay in Sarkaalkaas dhawaan loo madax looga dhigay Ciidamo ka tirsan Kenya.

Magaca Sarkaalka la dilay ayay Shabaab ku sheegtay Cabdi Nuur Cumar, isla markaana dhawaan loo magacaabay inuu madax u noqdo Ciidamo Kenyaanti oo la tilmaamay in loo tababaray la-dagaalanka Al-shabaab.

Al-shabaab ayaa horey dilal qorsheysan iyo weeraro geystay khasaaro kala duwan uga fulisay deegaano iyo degmooyinka hoostega Magaalada Mandheera ee gobolka Waqooyi barri ee dalka Kenya, waxaana labada dhinac dhexmaray dagaalo.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories