HomeCaalamkaQorshe Cumar Al-Bashiir loogu Maxkamadeynayo Hague oo socda

Qorshe Cumar Al-Bashiir loogu Maxkamadeynayo Hague oo socda

Date:

Related stories

FIFA to pay Somali referee after US entry bar disrupted World Cup role

World football governing body FIFA has taken an exceptional...

Galmudug demands consensus-led election amid tensions

Somalia’s Galmudug state has rejected any election model imposed...

UN releases $10 mln to avert famine in Somalia as hunger crisis

The United Nations has released $10 million from its...

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Shirweynaha Labaad ee Garaad Gacmeedka Soomaaliya

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Shirweynaha Labaad ee Garaad...
- Advertisement -

Wafdi ka socda Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada ee magaceeda loo soo gaabiyo ICC ayaa gaaray dalka Suudaan si mas’uuliyiinta dalkaasi ay ugala hadlaan sidii loo maxkamadeyn lahaa madaxweynihii hore ee dalkaasi Cumar Al-Bashiir.

Al-Bashiir waxaa in muddo ah raadineysay Maxkamadda Caalamiga ah Dambiyada ee ICC, iyadoo loo heysto xasuuq, dambiyo dagaal iyo dambiyo ka dhan ah aadanaha.

- Advertisement -

Ra’iisal wasaaraha Suudaan ayaa sheegay in wafdigani uu joogi doono dalka ilaa 21 Oktoobar, si ay uga wada arrinsadaan “iskaashi” laga sameeyo arrinta Cumar Al-Bashiir.

Dowladda Suudaan ayaa horey u ogolaatay in Al-Bashiir lagu maxkamadeyn karo magaalada Hague. Balse heshiis nabadeed oo dowladdu ay la gashay mucaaradka ku sugan gobolka galbeed ee Daarfuur ayaa dhigaya in dowladdu ay sameyso maxkamad gaar ah oo ku saabsan dambiyadii dagaal ee dalka ka dhacay oo arrinta Cumar Al-Bashiir ay ka mid tahay.

Wafuudda ka socota maxkamadda ICC ee hada ku sugan magaalada Khartuum ayaa waxaa ka mid ah dacwad oogaha maxkamaddaasi Fatou Bensouda.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories