HomeCaalamkaWaa kuma wiilkii Gowracay Ninkii sawir gacmeedka ka sameeyey Nebiga NNKH?

Waa kuma wiilkii Gowracay Ninkii sawir gacmeedka ka sameeyey Nebiga NNKH?

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

Pheromone Maxxing:Rag Ka Taga Qubayska Si Ay U Soo Jiitaan Dumaraka.

Dhaqan cusub oo TikTok ku faafaya ayaa ragga qaar ku dhiirrigelinaya inay iska dhaafaan qubayska iyo deodorant-ka, iyagoo aaminsan in urta dabiiciga ah ay kordhin karto soo jiidashada.

Xasuuqii Rwanda: Nin Xabsi Daa’in Lagu Xukumay

Maxkamad ku taalla The Hague ayaa xabsi daa’in ku xukuntay muwaaddin Rwanda ah oo lagu helay dambiyo la xiriira xasuuqii 1994, kaddib baaritaan socday sannado iyo marqaatiyo badan oo la dhageystay.

Faah-faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa Dil gowrac ah oo magaalo ku dhow Magaalada Paris loogu gaystay macallin Iskuul oo sawir gacmeed ka sameeyey Nebi Maxamed NNKH. Samuel Paty, oo 47 jir ahaa, ayaa waxaa gowracay wiil 18 jir ahaa oo asal ahaan kasoo jeeda Jamhuuriyadda Chechnya ee Ruushka. Wiilkan ayaa waxaa markii dambe toogasho […]

- Advertisement -

Faah-faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa Dil gowrac ah oo magaalo ku dhow Magaalada Paris loogu gaystay macallin Iskuul oo sawir gacmeed ka sameeyey Nebi Maxamed NNKH.

Samuel Paty, oo 47 jir ahaa, ayaa waxaa gowracay wiil 18 jir ahaa oo asal ahaan kasoo jeeda Jamhuuriyadda Chechnya ee Ruushka. Wiilkan ayaa waxaa markii dambe toogasho ku dilay Booliska.

- Advertisement -

Afhayeen u hadlay Safaaradda Ruushka ee magaalada Paris, Sergei Parinov ayaa wiilka magaciisa ku sheegay Abdullakh Anzorov.

Abdullakh Anzorov ayaa Faransiiska yimid 12 sano ka hor, markaasi oo uu ahaa 6 sano jiray islamarkaana qoyskiisa ay codsadeen magan-galyo, sida uu sheegay afhayeenka. Waxa uu intaas ku daray in Abdullakh uu deganaansho helay sanadkan.

Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay in wiilkaas uusan wax xiriir ah la lahayn safaaradda Ruushka. “Muhiimadda ma ahan halka uu ku dhashay qofkan, balse waa waa goorta iyo sababta uu u qaatay fikradaha argagixisada,” ayuu yiri.

- Advertisement -

Dacwad oogayaasha ayaa sheegay in Abdullakh weerarka fuliyey uu doonayey inuu macallinka ku ciqaabo inuu sawir gacmeed loola jeedo Nebi Muxamed NNKH tusay ardaydiisa.

Dacwad oogayaasha ayaa sidoo kale xiray laba nin oo mid canugiisa uu dhigto iskuulka, kan kalena ay isha ku hayeen sirdoonka, kuwaasi oo la sheegay inay baraha bulshada ka billaabeen olole ka dhan ah macallinka la gowracay.

Tan iyo horraantii bishan October ayaa la sheegay in baraha bulshada uu ka socday olole ka dhan ah macallinka sameeyey sawir gacmeedka, islamarkaana waalidiin badan oo Muslimiin ah ay uga soo dacwoodeen Iskuulka.

Ma aheyn markii koowaad ee Samuel Paty uu ardaydiisa tuso sawir gacmeedka rasuulka NNKH, waxaana la sheegay in sidoo kale uu sidaas sameeyey sanadkii tegay, sida laga soo xigtay mid ka mid ah ardaydiisa oo 13 jir ah.

Qaar ka mid ah shaqaalaha Iskuulka ayaa isku dayey inay xaliyaan muranka arrintan ka dhashay, waxayna u yeereen waalidiinta Muslimiinta ah, hase yeeshee waxay sheegeen inaysan kulanka iman.

Samuel Paty ayaa ugu dambeyn la dilay Jimcihii, kadib markii uu soo weeraray wiilka 18 jirka ah, kaasi oo mindi ku dhuftay kadibna gowracay.

 

Xigasho VOA-Somalia

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories