HomeCaalamkaArmenia oo Duqeyn Culus ka geysatay gudaha Azerbaijan

Armenia oo Duqeyn Culus ka geysatay gudaha Azerbaijan

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

Pheromone Maxxing:Rag Ka Taga Qubayska Si Ay U Soo Jiitaan Dumaraka.

Dhaqan cusub oo TikTok ku faafaya ayaa ragga qaar ku dhiirrigelinaya inay iska dhaafaan qubayska iyo deodorant-ka, iyagoo aaminsan in urta dabiiciga ah ay kordhin karto soo jiidashada.

Xasuuqii Rwanda: Nin Xabsi Daa’in Lagu Xukumay

Maxkamad ku taalla The Hague ayaa xabsi daa’in ku xukuntay muwaaddin Rwanda ah oo lagu helay dambiyo la xiriira xasuuqii 1994, kaddib baaritaan socday sannado iyo marqaatiyo badan oo la dhageystay.

Dowladda Azerbaijan ayaa sheegtay in weerar gantaal oo aroornimadii hore ee maanta oo Sabti ah lagu qaaday magaalada Ganja oo ah magaalada labaad ee ugu weyn waddanka, ay ku dhinteen 12 qof halka ay ku dhaawacmeen 40 qof. Wasiirka difaaca Azerbaijan ayaa sheegay in gantaallo laga soo tuuray dalka Armenia lala beegsaday magaalooyinka Ganja iyo […]

- Advertisement -

Dowladda Azerbaijan ayaa sheegtay in weerar gantaal oo aroornimadii hore ee maanta oo Sabti ah lagu qaaday magaalada Ganja oo ah magaalada labaad ee ugu weyn waddanka, ay ku dhinteen 12 qof halka ay ku dhaawacmeen 40 qof.

Wasiirka difaaca Azerbaijan ayaa sheegay in gantaallo laga soo tuuray dalka Armenia lala beegsaday magaalooyinka Ganja iyo Mingachevir.

- Advertisement -

Dowladda Armenia ayaanan beenin ama sheegan mas’uuliyadda gantaalaha lagu duqeeyay Azerbaijan.

Sida ay sheegeen saraakiisha, duqeynta ayaa burburisay ugu yaraan 20 dhismo oo ku yaalla xaafado ay dadku ku badan yihiin oo ku yaalla magaalada labaad ee ugu weyn Azerbaijan.

Dagaalka u dhaxeeya Azerbaijan iyo Armenia ayaa billowday 27-kii bishii September. Tan iyo markaasi, waxaa dagaalka ku dhintay boqollaal qof oo labada dhinac ah, taasi oo ka dhigtay khasaarihii ugu ballaarnaa tan iyo intii ay billaabatay colaadda gobolka ay labada waddan ku muransan yihiin ee Nagorno-Karabakh.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories