HomeWararTaliye Odawaa oo sababo Amni uga baaqday degaano uu ku wajahnaa

Taliye Odawaa oo sababo Amni uga baaqday degaano uu ku wajahnaa

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya Generaal Odawaa Yuusuf Raage oo maalmihii  lasoo dhaafay ku sugnaa degmada Balad-xaawo ee Gobolka Gedo ayaa Maanta ka baaqday safar uu ku tegi lahaa deegaano ka tirsan Gobolkaas. Taliye Odawaa ayaa Maanta la filayay inuu safar ku tego deegaanka Buurdhuubo iyo Magaalada Baardheere, hayeeshee waxaa uu ka baaqday safarkaas, kadib […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya Generaal Odawaa Yuusuf Raage oo maalmihii  lasoo dhaafay ku sugnaa degmada Balad-xaawo ee Gobolka Gedo ayaa Maanta ka baaqday safar uu ku tegi lahaa deegaano ka tirsan Gobolkaas.

Taliye Odawaa ayaa Maanta la filayay inuu safar ku tego deegaanka Buurdhuubo iyo Magaalada Baardheere, hayeeshee waxaa uu ka baaqday safarkaas, kadib markii dagaal kooban uu ka dhacay Buurdhuubo.

- Advertisement -

Dadka deegaanka ayaa soo weriyay in gelinkii dambe ee galabta Al-shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhig Ciidanka Xoogga dalka ay ku leeyihiin Buurdhuubo, isla markaana halkaas uu ka dhacay dagaal u dhexeeyay Ciidanka iyo Shabaab.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka ayaa sheegay inay iska difaaceen weerarkii kaga yimid dhanka Al-shabaab, kadibna ay sameeyeen howlgal amniga lagu xaqiijinayay, xaaladdana ay tahay mid degan.

Sidoo kale Xubno kala duwan oo tegay Garoonka diyaaradaha Buurdhuubo loona diyaariyay soo dhaweynta Taliye Odawaa Yuusuf Raage ayaa waxaa lagu wargeliyay in safarkii Taliyaha uu  tegi lahaa halkaas baaqay, isla markaana ay dib u laabtaan.

- Advertisement -

Ugu dambeyn Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Odawaa Yuusuf ayaa dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho isaga iyo wafdi Saraakiil ah uu hoggaaminayay, kuwaasi oo saddexdii maalin ee lasoo dhaafay ku sugnaa Gobolka Gedo.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts