HomeWararWafdi ka socda Jubbaland oo gaaray Magaalada Addis Ababa

Wafdi ka socda Jubbaland oo gaaray Magaalada Addis Ababa

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya ayaa waxaa gaaray wafdi uu hoggaaminayay Madaxweyne ku-xigeenka Koowaad ee dowlad Goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan, iyagoo ka ambabaxay Kismaayo. Maxamuud Siyad Aadan ayaa waxaa socdaalka ku welinayay Wasiiro ka tirsan Jubbaland iyo Guddoomiyaha Gobolka Gedo ee Maamulkaas, waxaana garoonaka diyaaradaha kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Itoobiya. […]

- Advertisement -

Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya ayaa waxaa gaaray wafdi uu hoggaaminayay Madaxweyne ku-xigeenka Koowaad ee dowlad Goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan, iyagoo ka ambabaxay Kismaayo.

Maxamuud Siyad Aadan ayaa waxaa socdaalka ku welinayay Wasiiro ka tirsan Jubbaland iyo Guddoomiyaha Gobolka Gedo ee Maamulkaas, waxaana garoonaka diyaaradaha kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Itoobiya.

- Advertisement -

Wafdigaan ka socday dowlad Goboleedka Jubbaland ee tegay Addis Ababa ayaa Casuumad rasmi ah ka helay Xukuumadda Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, iyagoo kulan la qaadan doona Mas’uuliyiin ka tirsan dowladdaas.

Dhinaca kale weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Maamulka Jubbaland oo ku aadan socdaalka wafdiga ka socday iyaga ay Maanta oo Iniin ah ku gaareen Caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories