HomeCaalamkaMadaxweyne Bah Ndaw oo ku dhawaaqay Golle Wasiiro Cusub

Madaxweyne Bah Ndaw oo ku dhawaaqay Golle Wasiiro Cusub

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Madaxweynaha ku meel gaarka ah ee dalka Mali, Bah Ndaw, ayaa ku dhawaaqay Gole wasiiro oo ka  kooban 25 xubnood,isla markaana ay ku jiraan saraakiil sar sare oo ka tirsan militriga , kuwaas oo qaban doona. xilal muhiim ah. Digreetada Madaxweynaha oo laga akhriyay telefishinka dowladda ayaa waxaa lagu sheegay in wasiirada Gaashaandhigga, Amniga, arrimaha […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha ku meel gaarka ah ee dalka Mali, Bah Ndaw, ayaa ku dhawaaqay Gole wasiiro oo ka  kooban 25 xubnood,isla markaana ay ku jiraan saraakiil sar sare oo ka tirsan militriga , kuwaas oo qaban doona. xilal muhiim ah.

Digreetada Madaxweynaha oo laga akhriyay telefishinka dowladda ayaa waxaa lagu sheegay in wasiirada Gaashaandhigga, Amniga, arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta qaban doonaan saraakiil ka tirsan militiriga.

- Advertisement -

Madaxweyne Ndaw oo qudhiisa ahaa sarkaal ka tirsanaan jirey ciidanka cirka ayaa noqday dooqa koowaad saraakiisha afgembisay dowladdii madaxweyne Ibrahim Bobakar Keite bishii August ee sanadkan.

Magacaabista madaxweyne ee Ra’iisul wasaare rayid ah ayaa laga yaabaa in ay keento in urur goboleedka galbeedka Afrika ee ECOWAS in ay qaadaan xayiraadii Mali ku soo rogeen ka dib afgembigii August.

Col Sadio Camara, oo kamid ahaa saraakiishii hogaamineysay afgembiga ayaa noqon doona wasiirka difaaca, iyadoo afhayeenkii afgembiga Col-Maj Ismaël Wagué, loo magacaabay wasiirka dib u heshiisiinta qaran. Jagooyinka muhiimka ah ee loo dhiibay rayidka waxaa kamid ah xeer ilaaliyihii hore Maxamed Sidda Dicko oo loo magacaabaay waaxda garsoorka.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts