HomeCaalamkaDowlad baareysa xad-gudubyo ay ku kaceen Ciidankeeda gaarka ah

Dowlad baareysa xad-gudubyo ay ku kaceen Ciidankeeda gaarka ah

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

Pheromone Maxxing:Rag Ka Taga Qubayska Si Ay U Soo Jiitaan Dumaraka.

Dhaqan cusub oo TikTok ku faafaya ayaa ragga qaar ku dhiirrigelinaya inay iska dhaafaan qubayska iyo deodorant-ka, iyagoo aaminsan in urta dabiiciga ah ay kordhin karto soo jiidashada.

Xasuuqii Rwanda: Nin Xabsi Daa’in Lagu Xukumay

Maxkamad ku taalla The Hague ayaa xabsi daa’in ku xukuntay muwaaddin Rwanda ah oo lagu helay dambiyo la xiriira xasuuqii 1994, kaddib baaritaan socday sannado iyo marqaatiyo badan oo la dhageystay.

Taliyaha Booliska dalka Nigeria Maxamed Maigari Dingyadi ayaa sheegay in ay jirto baaritaano ku saabsan eedeyn ka timid dhaqan xumo ay ku kaceen ciidanka gaarka ah ee ka hor tagga dhaca, kuwaas oo la sheegay in shacabka u geystaan xadgudubyo joogto ah. Axaddii, Taliyaha booliiska Nigeria Maxamed Adamu waxaa uu shaqada ka joojiyay ciidanka gaarka […]

- Advertisement -

Taliyaha Booliska dalka Nigeria Maxamed Maigari Dingyadi ayaa sheegay in ay jirto baaritaano ku saabsan eedeyn ka timid dhaqan xumo ay ku kaceen ciidanka gaarka ah ee ka hor tagga dhaca, kuwaas oo la sheegay in shacabka u geystaan xadgudubyo joogto ah.

Axaddii, Taliyaha booliiska Nigeria Maxamed Adamu waxaa uu shaqada ka joojiyay ciidanka gaarka ah ee la dagaalanka dhaca ee loo yaqaano Anti Robbery Squad.

- Advertisement -

Waxaa baraha bulshada Nigeria waxaa qabsaday hal ku dhig ah ‘hala soo gabagebeeyo SARS kaas oo ka dambeeyay markii ciidankaas gaar ah dileen wiil yar xilli ay howlgal ka wadaan magaalada Lagos, sabtidii la soo dhaafay.

Waxaa horey jirey baaritaano dowladdu sheegtay in ay ku sameynayso ciidanka lagu eedeeyo in ay ku tacadiyaan shacabka hase yeeshee ilaa iyo hadda ma jirto wax natiijo ah oo ka soo baxay baaritaankaas. Bulshada Nigeria waxay doonaysaa in ay hesho xogta ku  saabsan natiijada baaritaanada dowladdu horey u sameysay.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories