HomeWararMaxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo xukun dil ah ku riday Askari lagu...

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo xukun dil ah ku riday Askari lagu helay fal kufsi ah

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Jabuuti iyo Itoobiya oo Bilaabay Dhuun Shidaal

Jabuuti iyo Itoobiya ayaa bilaabay dhismaha dhuun shidaal oo dhererkeedu yahay 120 KM, taas oo isku xiri doonta Damerjog iyo Dewele, laguna doonayo in lagu fududeeyo gaarsiinta shidaalka.

Dable Xoogga Dalka Maxamed Xuseen Cilmi ayaa loo xiray kufsi uu u gaystay Dhibanad Farxiyo Cabdi Shakuur Bootaan oo Afar jir ah, 14-kii May Sanadkan, Kufsigaasi oo ka dhacay  degmada Wadajir. Maxamed Xuseen Cilmi ayaa lagu soo wareejiyay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, waxaana xabsiga dhexe loo taxaabay muddo kadib si loo hubiyo jiritaanka dambiga lala […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Dable Xoogga Dalka Maxamed Xuseen Cilmi ayaa loo xiray kufsi uu u gaystay Dhibanad Farxiyo Cabdi Shakuur Bootaan oo Afar jir ah, 14-kii May Sanadkan, Kufsigaasi oo ka dhacay  degmada Wadajir.

Maxamed Xuseen Cilmi ayaa lagu soo wareejiyay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, waxaana xabsiga dhexe loo taxaabay muddo kadib si loo hubiyo jiritaanka dambiga lala xiriiriyay ee uu ugu xirnaa hey’adda dambi barista Boliiska CID.

- Advertisement -

Xafiiska Xeer Ilaainta Ciidamada Qalabka Sida ayaa baaritaan kadib hor geeyay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, waxaana xilligaasi loo dii  waan geliyay qiraalkii ka dhashay  horgeyntiisa Maxkamadeed.

Maxamed Xuseen Cilmi ayaa ay Maxkamadda Ciidamada mudeysay in la dhageysto dacwadda ka dhanka ah bilowgii september, waxaana dhageysiga kama dambeysta ah ee Maxkamadda la soo gaba gabeeyay 24-kii bishan.

Intii ay socotay Maxkamadeynta  Maxamed Xuseen Cilmi ayaa la dhageystay baarihii kiiskan, sidoo kale Maxkamadda ayaa lala wadaagay warqadda cadeynta saameynta dhibanaha gaaray.

- Advertisement -

Eedeysanaha oo isna kamid ah dadka fursadda loo siiyay fadhigan Maxkamadeed ayaa markale ku jawaabay in uu isaga qaadanayo masuulliyadda dhibkii dhacay laakiin uusan ka jawaabi Karin sababta ku kaliftay  inuu kufsado gabar ciyaal ah oo ay daris yihiin, waxa uu intaasi ku daray in xilli dambe oo wax walba ay dhaceen ay dib kala xumaatay.

Muumin Xuseen Cadullaahi ku xigeenka Xeer ilaaliyaha guud ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa Maxkamadda weydiistay in ay fariin uga dhigto xukunkeeda in fal dambe oo kufsi ah uusan ku fikirin qof kamid ah Ciidamada Qalabka Sida.

Qareenada u dooday eedeysanaha  ayaa ku dacwooday in aan loo qaban qiraalka eedeysanaha xukun ahaan bedlkeedsa ay codsanayaan in Maxkamadda ay siiso fursad ay  kula macaamilaan  ehelka dhibanaha.

Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur shuute  guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee CQS ayaa la tashi iyo fadhiya Maxkamadeed kadib ku riday xukun Dil ah maanta sida uu la wadaagay dhinacyada dacwadda.

Xukunsane Maxamed Xuseen Cilmi ayaa haysto fursad uu ku dalban karo Rafcaan.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts