HomeWararKhasaaraha ka dhashay qarax ismiidamin ah oo ka dhacay Magaalada Muqdisho

Khasaaraha ka dhashay qarax ismiidamin ah oo ka dhacay Magaalada Muqdisho

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Jabuuti iyo Itoobiya oo Bilaabay Dhuun Shidaal

Jabuuti iyo Itoobiya ayaa bilaabay dhismaha dhuun shidaal oo dhererkeedu yahay 120 KM, taas oo isku xiri doonta Damerjog iyo Dewele, laguna doonayo in lagu fududeeyo gaarsiinta shidaalka.

Qarax khasaare dhimasho iyo dhaawac leh dhaliyay ayaa  waxaa uu ka dhacay Magaalada muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, waxaana la sheegay in qaraxaasi lagu bartilmaameed saday Ciidanka dowladda gaar ahaan ku Nabad sugidda, waxaana kasoo baxaya faahinno ku aaddan qaraxaasi. Wararku waxaa ay sheegayaan in qaraxu uu ka dhacay halka loo yaqaanno Daallo  oo u dhaxaysa […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Qarax khasaare dhimasho iyo dhaawac leh dhaliyay ayaa  waxaa uu ka dhacay Magaalada muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, waxaana la sheegay in qaraxaasi lagu bartilmaameed saday Ciidanka dowladda gaar ahaan ku Nabad sugidda, waxaana kasoo baxaya faahinno ku aaddan qaraxaasi.

Wararku waxaa ay sheegayaan in qaraxu uu ka dhacay halka loo yaqaanno Daallo  oo u dhaxaysa Isgooysyada Baar Ubax iyo Black Sea oo ka tirasan Degmada Howl-wadaag ee Gobolkani Banaadir, waxaana la eegtay Ciidamo ka tiranaa Dowladda oo halkaasi ku sugnaa.

- Advertisement -

Goob joogayaal ayaa idaacadda Dalsan u sheegay in jugta Qarax ay maqlayeen, waxaana xaafadaha ka agdghaw halka ay waxa ka dheceen laga arkayay uurada iyo Qiiqa qaraxa.

Qaarxa waxaa fuliyay qof haweenay ah oo sida la sheegay isku soo xirtay waxyaabaha Qarxa, isla mar kaana isku qarxisay goob ay ka ag dhawaayeen Ciidan dharcad ah oo ka tirsan Nabad sugidda  Soomaaliya.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya  in Qaraxaas lagu dilay Sarkaal sare oo ka tirsanaa Ciidanka Nabad Sugidda, oo sida la sheegay goobta ku sugnaa xiliga uu qaraxu dhacayay, waxaana Magaciisa lagu soo koobay Caano Geelle, wararku waxaa ay intaas ku darayaan in uu ahaa taliyihii ciidamada dhar cadda ee NISA u qaabilsanaa degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir.

- Advertisement -

Wali laamaha ammaanku kama hadlin Qaraxa ka dhacay Magaalada Muqdisho, waxaana qaarx kadib goobta gaaray Ciidan ka tirsan dowladdda oo Maydka Marxuumka goobta ka qaaday sida ay inoo sheegeen dad Goob joogayaal, waxaana hakad galay isku socodka guud ee halka aya wax aka dhaceen.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka dhaca qaraxyada noocaan ah oo ay inta badan fuliyaan  dagaalamayaasha Al-shabaab, waxaana qaraxyada bar-bar socda weerarda tooska ah iyo dilalka Qorsheysan ee ay Al-shabaab Muqdisho ka gaystaan.

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts