HomeWararDuulimaadyadii tooska ahaa ee Uganda iyo Soomaaliya oo dib u bilowday

Duulimaadyadii tooska ahaa ee Uganda iyo Soomaaliya oo dib u bilowday

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Jabuuti iyo Itoobiya oo Bilaabay Dhuun Shidaal

Jabuuti iyo Itoobiya ayaa bilaabay dhismaha dhuun shidaal oo dhererkeedu yahay 120 KM, taas oo isku xiri doonta Damerjog iyo Dewele, laguna doonayo in lagu fududeeyo gaarsiinta shidaalka.

Duulimaadkii ugu horreeyey oo isku xiraya Muqdisho iyo Kampala oo toos ah ayaa maanta ka biloway Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cabdulle, ka dib muddo bilo ah oo safarka xagga cirka ah ay labada wadan u kala xirnaayeen safmarka cudurka Corona Virus. Shirkadda diyaaradaha ee ku duusha calanka dalkaas ee Uganda Air waxay sameyn doontaa […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Duulimaadkii ugu horreeyey oo isku xiraya Muqdisho iyo Kampala oo toos ah ayaa maanta ka biloway Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cabdulle, ka dib muddo bilo ah oo safarka xagga cirka ah ay labada wadan u kala xirnaayeen safmarka cudurka Corona Virus.

Shirkadda diyaaradaha ee ku duusha calanka dalkaas ee Uganda Air waxay sameyn doontaa todobaadkii saddex maalmood oo ah duulimaadyadii caadiga ahaa ee Soomaaliya iyo Uganda oo istaagay bishii March ee sanadkii 2020-ka, xilligaas oo inta badan duulimaadyada caalamiga ah ee dunida loo joojiyey saamaynta cudurkan.

- Advertisement -

Michael Kalisa oo ah maamulaha Taya-dhawrka Uganda Air iyo Gudoomiyaha nidawga duulimaadyada gudaha Cali Axmed Faarax ayaa guul muhiim ah ku tilmaamay dib u soo laabashada duulimaadyadii toos ka ahaa ee isku xirayey Muqdisho iyo Kampala.

Uganda Air ayaa sameeyn doonta duulimaadyadeeda Muqdisho iyo Kampala maalmaha Axadda Talaadada iyo Khamiista.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts