HomeWararCiidanka Danab oo sheegay in ay dileen Sarkaal ka tirsan Al-shabaab

Ciidanka Danab oo sheegay in ay dileen Sarkaal ka tirsan Al-shabaab

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Jabuuti iyo Itoobiya oo Bilaabay Dhuun Shidaal

Jabuuti iyo Itoobiya ayaa bilaabay dhismaha dhuun shidaal oo dhererkeedu yahay 120 KM, taas oo isku xiri doonta Damerjog iyo Dewele, laguna doonayo in lagu fududeeyo gaarsiinta shidaalka.

Hawlgal qorsheysan oo ay fuliyeen ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee kumaandooska  Danab ayaa waxey waxaa ay sheegeen in ay ku dileen Sarkaal sare oo ka tirsan Alshabaab. Danab ayaa hawlgalkaan ka fuliyey duleedka degaanka Leego, gaar ahaan tuulada Sahan-yareey oo ka tirsan degmadda Walan-weyn, halkaasi oo ay sida ay sheegeen ay  ku dileen […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Hawlgal qorsheysan oo ay fuliyeen ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee kumaandooska  Danab ayaa waxey waxaa ay sheegeen in ay ku dileen Sarkaal sare oo ka tirsan Alshabaab.

Danab ayaa hawlgalkaan ka fuliyey duleedka degaanka Leego, gaar ahaan tuulada Sahan-yareey oo ka tirsan degmadda Walan-weyn, halkaasi oo ay sida ay sheegeen ay  ku dileen Saraakiil iyo dagaalamayaal ay magacyadooda ku sheegen Ciidanka Danab: Cabdicasiis Awoowe oo Al-shabaab u qaabilsanaa Sirdoonka gobolka Shabeelada hoose, Madaxii Qaraxyada Gobolka Sh. hoose (Abuu-qadaab) iyo lix dagaalame oo la socday sida ay Warbaahinta codka ciidamadda qalabka sida u xaqiijiyeen Saraakiisha Ciidanka Danab ee hawlgalkaasi fulinayey.

- Advertisement -

Hawlgalkaan qorsheysnaa ayaa sidoo kale lagu bur-buriyay sida Saraakiisha Danab ay warbaahinta u shegeen  goob maxkamad u aheyd Shabaab, iyaddoo Danab intii hawlgalka ay kuguda jireen ayay sheegeen in ay kusoo qabteen liis ay ku qoran yihiin magacyada, nambarada iyo meelaha ay kala joogaan sixiroolayaasha ay Alshabaab  adeegsadaan, waa sida ay hadalka u dhigeene Saraakiisha Danab.

Ciidanka kumaandooska xoogga dalka ee Danab ayaa kordhiyay hawlgalada ay ka wadeen Gobolka Shabeellaha hoose, waxaana ay shegeen in sare u qaadi doonaan dagaalka ay kula jiraan Al-shabaab.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts