HomeCaalamkaAkhriso:-Tirada dadka Cudurka CORONAVIRUS ugu dhintay dunida

Akhriso:-Tirada dadka Cudurka CORONAVIRUS ugu dhintay dunida

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Tirada dadka adduunka ee u dhintey xanuunka ‘Covid-19’ ayaa dhaafey hal milyan, sida ay soo tebiyeen cilmi-baadhayaashu , iyada oo gobollo badan weli laga soo sheegayo in tiradu sii kordheyso oo kiisas cusub la helayo. Ururinta iyo kaydinta ay saamaysay Jaamacadda Johns Hopkins ee ku aaddan saamaynta fayraskan waxay muujineysaa in dadka ka dhintay Mareykanka, […]

- Advertisement -

Tirada dadka adduunka ee u dhintey xanuunka ‘Covid-19’ ayaa dhaafey hal milyan, sida ay soo tebiyeen cilmi-baadhayaashu , iyada oo gobollo badan weli laga soo sheegayo in tiradu sii kordheyso oo kiisas cusub la helayo.

Ururinta iyo kaydinta ay saamaysay Jaamacadda Johns Hopkins ee ku aaddan saamaynta fayraskan waxay muujineysaa in dadka ka dhintay Mareykanka, Brazil iyo Hindiya ay kala badh ka yihiin wadarta tiradaas guud ahaan.

- Advertisement -

Khubarada ayaana ka digaya in tirada dhabta ah ay u badan tahay in ay intaad diwaangashan aad uga badan tahay.

Xoghayaha guud ee qaramada midoobay António Guterres ayaa ku tilmaamay “xaalad qarracan ah” iyo “natiijo xanuun badan”.

“Haddana waa inaynaan waligeen indhaha ka qarsan guud ahaan waxa socda oo aan sii calool adaygnaa,” ayuu yidhi fariin muuqaal ah oo laga soo duubay.

- Advertisement -

“Waxay ahaayeen aabbayaal iyo hooyooyin, xaasaska iyo rag, walaalo, asxaab iyo shaqo wadaag. Waa xanuun daran waxa uu ina baday cudurkani”

Cudurkan faafa ayaa tan iyo markii uu bilaabmay ku baahay 188 dal iyadoo la xaqiijiyay in ka badan 32 milyan oo kiis. Bandawga iyo tallaabooyinka kale ee la isku dayayo in lagu joojiyo faafidda fayrasku waxay galaafteen dhaqaalihii adduunka oo galay xaalad hoobad ah.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories