HomeCaalamkaAkhriso:-Tirada dadka Cudurka CORONAVIRUS ugu dhintay dunida

Akhriso:-Tirada dadka Cudurka CORONAVIRUS ugu dhintay dunida

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Tirada dadka adduunka ee u dhintey xanuunka ‘Covid-19’ ayaa dhaafey hal milyan, sida ay soo tebiyeen cilmi-baadhayaashu , iyada oo gobollo badan weli laga soo sheegayo in tiradu sii kordheyso oo kiisas cusub la helayo. Ururinta iyo kaydinta ay saamaysay Jaamacadda Johns Hopkins ee ku aaddan saamaynta fayraskan waxay muujineysaa in dadka ka dhintay Mareykanka, […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Tirada dadka adduunka ee u dhintey xanuunka ‘Covid-19’ ayaa dhaafey hal milyan, sida ay soo tebiyeen cilmi-baadhayaashu , iyada oo gobollo badan weli laga soo sheegayo in tiradu sii kordheyso oo kiisas cusub la helayo.

Ururinta iyo kaydinta ay saamaysay Jaamacadda Johns Hopkins ee ku aaddan saamaynta fayraskan waxay muujineysaa in dadka ka dhintay Mareykanka, Brazil iyo Hindiya ay kala badh ka yihiin wadarta tiradaas guud ahaan.

- Advertisement -

Khubarada ayaana ka digaya in tirada dhabta ah ay u badan tahay in ay intaad diwaangashan aad uga badan tahay.

Xoghayaha guud ee qaramada midoobay António Guterres ayaa ku tilmaamay “xaalad qarracan ah” iyo “natiijo xanuun badan”.

“Haddana waa inaynaan waligeen indhaha ka qarsan guud ahaan waxa socda oo aan sii calool adaygnaa,” ayuu yidhi fariin muuqaal ah oo laga soo duubay.

- Advertisement -

“Waxay ahaayeen aabbayaal iyo hooyooyin, xaasaska iyo rag, walaalo, asxaab iyo shaqo wadaag. Waa xanuun daran waxa uu ina baday cudurkani”

Cudurkan faafa ayaa tan iyo markii uu bilaabmay ku baahay 188 dal iyadoo la xaqiijiyay in ka badan 32 milyan oo kiis. Bandawga iyo tallaabooyinka kale ee la isku dayayo in lagu joojiyo faafidda fayrasku waxay galaafteen dhaqaalihii adduunka oo galay xaalad hoobad ah.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts