HomeWararMahdi Guuleed oo ka warbixiyay waxyaabihii u qabsoomay Xukuumadda Xil-gaarsiinta

Mahdi Guuleed oo ka warbixiyay waxyaabihii u qabsoomay Xukuumadda Xil-gaarsiinta

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed ayaa Maanta si rasmi ah xilka ugu Wareejiyay Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee Dalka Maxamed Xuseen Rooble oo dhawaan uu soo magacaabay Madaxweye Maxamed Cabdullaahi Maxmed Farmaajo. Mahdi Guuleed oo ka hadlay Munaasabadda Xil-wareejinta maanta ayaa ka hadlay dhinacyo dhowr ah oo tan iyo markii uu Ra’iisul Wasaare […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed ayaa Maanta si rasmi ah xilka ugu Wareejiyay Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee Dalka Maxamed Xuseen Rooble oo dhawaan uu soo magacaabay Madaxweye Maxamed Cabdullaahi Maxmed Farmaajo.

Mahdi Guuleed oo ka hadlay Munaasabadda Xil-wareejinta maanta ayaa ka hadlay dhinacyo dhowr ah oo tan iyo markii uu Ra’iisul Wasaare ku xigeenka noqday u qabsaaomay Xukuumadda Federaalka, waxaana uu sheegay in ay ku tallaabsadeen horumar ballaaran oo dhinacyo badan ah.

- Advertisement -

Waxaa uu sheegay Siihayaha  Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed in ay wax ka qabteen ammaanka iyo sidoo kale dhisitaanka Ciidanka, iyadoo uu sheegay in Ciidanka dalka oo dhan la diiwaan galiyay, ayna dowladdu haysto Ciidan si dhab ah u nidaamsan oo dhammaantood la diiwaan galiyay, waxaana uu sheegay in wasaaradda amniga xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay ku tallabsatay guulo waaweyn oo ay ka gaareen sida uu sheegay la dagaalanka Al-shabaab.

Intii xukuumadda xilgaarsiinta ay jirtay ayuu sheegay Mahdi Guuleed in ay mareen 67 sharci iyo heshiisyo caalami ah, waxaana uu sheegay in la Ansixiyay 23 ka mid ah sharciyadaas, kuwaas oo sida uu sheegay uu saxiixay madaxweyne Farmaajo.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in  horumar laga gaaray garsoorka, xiriirka Caalamiga ah, dhaqaalaha iyo dib u heshiisinta, isagoo intaas ku daray in Tan iyo markii lasoo dhisay Golaha wasiirada ay dowladdu ku tallaabsatay hormar ballaran.

- Advertisement -

Ugu dambeyntii waxaa uu u rajeeyay Ra’iisul Wasaaraha Cusub  in uu Eebbe ku garab galo xilka iyo howlaha culus ee hor yaalla.

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts