HomeWararMahdi Guuleed oo ka warbixiyay waxyaabihii u qabsoomay Xukuumadda Xil-gaarsiinta

Mahdi Guuleed oo ka warbixiyay waxyaabihii u qabsoomay Xukuumadda Xil-gaarsiinta

Date:

Related stories

Somali Opposition Sets Conditions for Direct Talks with Government

Somalia’s main opposition coalition, the Somali Future Council, has...

Somalia, Saudi Pledge Stronger Counter-Terrorism Partnership

Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud met with Saudi Arabia’s...

Wasiir Xoosh oo booqday matxafka Qaranka ee ciidanka Algeria

Wasiir Xoosh oo booqday Matxafka Qaranka ee Algeria. Wuxuu xusay halgankii gobannimo-doonka iyo muhiimadda iskaashiga labada dal.

Digniin culus: Farmaajo oo Mareykanka kula Wadaagay khilaafka doorashada

Farmaajo oo kulan la qaatay diblomaasiyiinta Mareykanka, kuna digay doorasho hal dhinac ah. “Mucaaradku ma aqbali doono,

Somalia Trains First Government Cybersecurity Cohort

The National Communications Authority (NCA) has completed its first...

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed ayaa Maanta si rasmi ah xilka ugu Wareejiyay Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee Dalka Maxamed Xuseen Rooble oo dhawaan uu soo magacaabay Madaxweye Maxamed Cabdullaahi Maxmed Farmaajo.

Mahdi Guuleed oo ka hadlay Munaasabadda Xil-wareejinta maanta ayaa ka hadlay dhinacyo dhowr ah oo tan iyo markii uu Ra’iisul Wasaare ku xigeenka noqday u qabsaaomay Xukuumadda Federaalka, waxaana uu sheegay in ay ku tallaabsadeen horumar ballaaran oo dhinacyo badan ah.

Waxaa uu sheegay Siihayaha  Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed in ay wax ka qabteen ammaanka iyo sidoo kale dhisitaanka Ciidanka, iyadoo uu sheegay in Ciidanka dalka oo dhan la diiwaan galiyay, ayna dowladdu haysto Ciidan si dhab ah u nidaamsan oo dhammaantood la diiwaan galiyay, waxaana uu sheegay in wasaaradda amniga xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay ku tallabsatay guulo waaweyn oo ay ka gaareen sida uu sheegay la dagaalanka Al-shabaab.

Intii xukuumadda xilgaarsiinta ay jirtay ayuu sheegay Mahdi Guuleed in ay mareen 67 sharci iyo heshiisyo caalami ah, waxaana uu sheegay in la Ansixiyay 23 ka mid ah sharciyadaas, kuwaas oo sida uu sheegay uu saxiixay madaxweyne Farmaajo.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in  horumar laga gaaray garsoorka, xiriirka Caalamiga ah, dhaqaalaha iyo dib u heshiisinta, isagoo intaas ku daray in Tan iyo markii lasoo dhisay Golaha wasiirada ay dowladdu ku tallaabsatay hormar ballaran.

Ugu dambeyntii waxaa uu u rajeeyay Ra’iisul Wasaaraha Cusub  in uu Eebbe ku garab galo xilka iyo howlaha culus ee hor yaalla.

 

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories