HomeCaalamkaSiyaasiyiin ka qeyb qaatay heshiiskii Israa’iil iyo Imaaraadka oo la xiray

Siyaasiyiin ka qeyb qaatay heshiiskii Israa’iil iyo Imaaraadka oo la xiray

Date:

Related stories

Arab League slams Somaliland office opening in Jerusalem

Arab League Secretary-General Ahmed Aboul Gheit has condemned the...

Commander ousted after reported refusal to deploy troops

- Somali President Hassan Sheikh Mohamud has removed the...

Pirate attacks on two commercial ships thwarted off Somalia

Armed pirates attacked two commercial vessels in separate incidents...

Race intensifies for Somalia Lower House speaker post

Competition is intensifying for the position of Speaker of...
- Advertisement -

Xoogagga amniga Falastiin ayaa xirey tiro kamid ah taageeriyaasha siyaasiga Falastiiniga ah ee dibad joog ah kuwaas oo lagu eedeeyay in ay Imaaraadka kala shaqeeyeen heshiiska Isreal iyo Imaaraadka ee dhowaan la saxiixay, sida uu sheegay afhayeen u hadlay kooxdaas.

Siyaasiga Mohammed Dahlan ayaa ku nool dalka Imaaraadka Carabta ka dib markii laga musaafuriyay dhulka Isreal gumeysato ee daanta Galbeed 2011-kii, arrintaas oo timid markii si weyn isku khilaafeen Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabaas iyo xisbigiisa Fatax oo Dahlaan xubin ka ahaa.

- Advertisement -

Dalalka khaliijka carabta ayaa dhowaan waxay heshiis la galeen qaarkood Isreal waxayna taasi abuurtay in Dahlan lagu eedeeyo in uu arrintaas door ku leeyahay. Kooxda Dahlan ayaa dalalka Carabta ku dhaleeceysay xiriirka ay la yeesheen Isreal ka hor inta aan xal loo helin mushkuladda falastiin, hase yeeshee ma uusan inkirin doorkiisa ku aadan arrintan socota.

Isniintii, laamaha amniga Falastiin ayaa xeray todobo kamid ah taageeriyaasha kooxda Maxamed Dahlan, sida uu sheegay afhayeenka kooxdaas Imad Muxsin waxaa uu intaas ku daray in xariga dadkan ay siyaasad ku lug leedahay.

War qoraal ah, oo ka soo baxay laamaha ammaanka Falastiin ayaa lagu sheegay in Xalabi laga soo xirey xaafadda magaalada Nablus oo u dhow daanta galbeed waxaana lagu sheegay bayaanka in talaabadan ay qeyb ka tahay soo celinta amarka iyo kala dambeynta degaanka.

- Advertisement -
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories