HomeCaalamkaDowlad ku Eedeysay Hindiya Maal-gelinta Islaam naceybka

Dowlad ku Eedeysay Hindiya Maal-gelinta Islaam naceybka

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

Pheromone Maxxing:Rag Ka Taga Qubayska Si Ay U Soo Jiitaan Dumaraka.

Dhaqan cusub oo TikTok ku faafaya ayaa ragga qaar ku dhiirrigelinaya inay iska dhaafaan qubayska iyo deodorant-ka, iyagoo aaminsan in urta dabiiciga ah ay kordhin karto soo jiidashada.

Xasuuqii Rwanda: Nin Xabsi Daa’in Lagu Xukumay

Maxkamad ku taalla The Hague ayaa xabsi daa’in ku xukuntay muwaaddin Rwanda ah oo lagu helay dambiyo la xiriira xasuuqii 1994, kaddib baaritaan socday sannado iyo marqaatiyo badan oo la dhageystay.

Ra’iisul Wasaaraha dalka Pakistan Cimraan Khaan ayaa ku tilmaamay India in ay tahay dal maalgelineya islaam naceybka, taas oo abuuraysa kala fogaansho, waxaa uu si weyn u cambaareeyey sida India ula dhaqanto gobolka Muslimiintu ku badan yihiin ee Kashmir qaybta ay India maamusho. Waxa uu hadalkan ka sheegay kulanka golaha oo loo dhan yahay ee […]

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha dalka Pakistan Cimraan Khaan ayaa ku tilmaamay India in ay tahay dal maalgelineya islaam naceybka, taas oo abuuraysa kala fogaansho, waxaa uu si weyn u cambaareeyey sida India ula dhaqanto gobolka Muslimiintu ku badan yihiin ee Kashmir qaybta ay India maamusho.

Waxa uu hadalkan ka sheegay kulanka golaha oo loo dhan yahay ee QM oo sanadkan lagu qabtay Online-ka, isu imaatinkiina loo baajiyey COVID-19 awgiis, isagoo xusay in India maanta khatar ku heyso nolashada ku dhowaad 200 oo milyan oo Muslim ah.

- Advertisement -

Ra’iisul wasaare Khaan ayaa had iyo jeer waxaa uu dhaleeceeyaa go’aanka ra’iisul wasaaraha India Narendra Modi August sanadkii hore ka qaatay gobollada Jammu iyo Kashmir oo la hoos geeyay dowladda dhexe ee India isla markaana dastuurka dalka laga saaray qodobka sheegaya is maamul hoosaadka gobolladaas.

Labadan dal ee dariska ah isla markaana ku hubeysan Nuclear ayaa midba kan kale ku eedeeyaa in uu mas’uul ka yahay dhibaatada ka taagan gobolka Kashmir, India waxay Pakistan ku eedeysaa in ay tababarto isla markaana hubeyso kooxaha ka soo hor jeeda xukunka New Dehli, halka Pakistan ku eedeyso India in ay mas’uul ka tahay xuquuq la’aanta malaayiinta ku nool gobolkaas.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories