HomeWararSomaliland oo ka hadashay xaaladihii ugu dambeyay ee COVID-19

Somaliland oo ka hadashay xaaladihii ugu dambeyay ee COVID-19

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Somaliland ayaa faah faahin ka bixisay xaaladda guud ee Cudurka halista ah ee Coronavirus ee deegaanada maamulkaas, xili maalmihii lasoo dhaafay ay diiwaan-geliyeen kiisas Cusub  oo ah COVID-19. Madaxa waaxda xiriirka dadweynaha ee Wasaaradda caafimaadka Somaliland oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in afartii maalin ee lasoo dhaafay Cudurka laga baaray 529 qof, […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Somaliland ayaa faah faahin ka bixisay xaaladda guud ee Cudurka halista ah ee Coronavirus ee deegaanada maamulkaas, xili maalmihii lasoo dhaafay ay diiwaan-geliyeen kiisas Cusub  oo ah COVID-19.

Madaxa waaxda xiriirka dadweynaha ee Wasaaradda caafimaadka Somaliland oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in afartii maalin ee lasoo dhaafay Cudurka laga baaray 529 qof, isla markaana 10 qof kamid ah dadkaas laga helay Cudurka.

- Advertisement -

Waxaa uu sheegay Madaxa xiriirka dadweynaha in aysan jirin qof Cudurka u geeriyootay saacadihii lasoo dhaafay, hayeeshee dadka helay oo isugu jira rag iyo dumar la geliyay xaalad karantiil, si dadka aysan u gaarsiin.

Tirada guud ee dadka xanuunkan laga baaray deegaanada Somaliland ayaa gaartay 8731 qof, waxaana laga helay 920 qof, halka ka bogsadeen 779 ruux, isla markaana waxaa halkaas Cudurka ugu geeroyooday 33 qof, sida ay shaacisay Wasaaradda Caafimaadka.

Si kastaba dhawaan ayay aheyd markii Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland  Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayaa shaaciyay in Cudurka COVID-19 laga helay isaga iyo qaar kamid ah ilaaladiisa, iyagoona ku sugan Magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts