HomeWararDad loo soo qabtay weerarkii ka dhacay Magaalada Baladweyne

Dad loo soo qabtay weerarkii ka dhacay Magaalada Baladweyne

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Taliska Booliska Magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa ka hadlay weerar loo adeegsaday Bam Gacmeed oo xalay lagu qaaday Goob maqaaxi ah oo ku taalla xaaladda suuqa xoolaha ee Baladweyne. Taliyaha Saldhiga Booliska Baladweyne Maxamed Maxamuud Rooble oo la hadlay Idaacadda Dalsan ayaa u sheegay in weerarka lagu qaaday maqaaxida uu ka dhashay Khasaaro isugu […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Taliska Booliska Magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa ka hadlay weerar loo adeegsaday Bam Gacmeed oo xalay lagu qaaday Goob maqaaxi ah oo ku taalla xaaladda suuqa xoolaha ee Baladweyne.

Taliyaha Saldhiga Booliska Baladweyne Maxamed Maxamuud Rooble oo la hadlay Idaacadda Dalsan ayaa u sheegay in weerarka lagu qaaday maqaaxida uu ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad shacab ah, waxaana meel aan sidaas uga fogeyn maqaaxida Saldhig ku leh Ciidanka AMISOM.

- Advertisement -

Waxaa uu sheegay Taliye Maxamed Rooble in weerarka kadib Ciidamo ka tirsan kuwa amnig Magaalada ay bilaabeen howlgalo kala duwan oo lagu raadinayo dadkii ka dambeeyay weerarkaas.

Taliyaha Booliska ayaa tilmaamay in howlgalka inta uu socday lagu soo qabtay dad dhowr ah oo u badan dhalinyaro, kuwaasi oo loo shakisan yahay inay fuliyeen weerarkii xalay, isla markaana laamaha amniga dadkaas ay ku wadaan baaritaano kala duwan.

Isaga oo sii hadlaayay Taliye Maxamed Roobe ayuu sheegay in warbaahinta ay la wadaagi doonaan natiijada kasoo baxday howlgalka Ciidanka oo weli socda, wuxuuna Carabka ku dhuftay inay sii wadi doonaan howlgalka amniga lagu xaqiijinayo.

- Advertisement -

Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa dhawaan ka dhacay weerar lagu dilay Sarkaal la sheegay inuu ahaa hoggaamiyaha Ciidanka Macwiisleyda ee dagaalka ku jira Al-shabaab laguna magacaabi jiray Xuseen Dhurwaa, waxaana mas’uuliyada dilkaas sheegtay Al-shabaab.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts