HomeWararCiidan ka tirsan NISA oo xiray isku socodka waddooyinka Muqdisho qaar Mushaar...

Ciidan ka tirsan NISA oo xiray isku socodka waddooyinka Muqdisho qaar Mushaar la’aan darteed

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Ciidanka ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan kuwa NISA ayaa xirtay inta u dhexeysa  Daljirka Daahsoon ilaa Isgooyska Jubba, waxaana waddooyinka ay xirteen ay muhiim u yihiin isku socodka guud ee dadweynaha. Qaar ka mid ah Ciidanka gadoodsan ee waddada xirtay ayaa sheegay in muddo ah aysan arkin xuquuqdii ay lahaayeen, waxaana ay sheegeen […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ciidanka ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan kuwa NISA ayaa xirtay inta u dhexeysa  Daljirka Daahsoon ilaa Isgooyska Jubba, waxaana waddooyinka ay xirteen ay muhiim u yihiin isku socodka guud ee dadweynaha.

Qaar ka mid ah Ciidanka gadoodsan ee waddada xirtay ayaa sheegay in muddo ah aysan arkin xuquuqdii ay lahaayeen, waxaana ay sheegeen in aan wax mushaaer ah la siin.

- Advertisement -

Waxaa ay dalsan u sheegeen Ciidanku in muddo seddex bilood ah aysan waxa musdhaar ah qaadan, ayna hay’adda Nabad sugidda ku maqan tahay xuquuqdoodi, iyagoo sheegay in tababar horay ay usoo qaaten laguna soo daray Ciidan Nabad sugidda Soomaaliya.

Bishii 6aad ee aynu soo dhaafnay ayay sheegeen in la geeyay garoonka diyaaradaha Deyniile, wixii intaas ka danbeeyana aan la siin wax mushaar ah, sidoo kale waxaa ay sheegen in tiro dhowr jeer ay la hadleen mas’uuliyiinta ka sarreysa balse aysan jirin cid dhagaysatay cabashadooda, waxaana ugu danbeyntii ay go’aansadeen in ay gadood sameeyaan.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka dowladda ayaa ku howlan sidii ciidankaas loogu qancin lahaa in ay isku socodka guud furaan, dibna ay ugu laabtaan xeradii ay kasoo bexeen.

- Advertisement -

Ciidanka dowladda qaybahooda kala duwan ayaa tiro dhowr jeer ah waxaa ay sameeyeen godood noocaan oo kale, waxaana ay inta badan cabasho ka keenaan in sida dowladdu u maareyso mushaaraad kooda, inkastoo dowladda hadda jirta ay xil gooni ah iska saarto xuquuqda Ciidanka, balse mararka qaar ayay arrintaan oo kale dhacdaa.

 

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts