HomeCaalamkaTijaabada tallaalkii Coronavirus ee la hakiyey oo dib loo bilaabayo

Tijaabada tallaalkii Coronavirus ee la hakiyey oo dib loo bilaabayo

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Tijaabada tallaalka Cudurka COVID-19 ee ay soo wada saareen shirkadda AstraZeneca iyo Jaamacadda Oxford ayaa dib loo bilaabi doonaa muddo yar uun ka dib markii la hakiyey sababtuna ahayd saamayn taban oo uu ku yeeshay qof bukaan ah oo lagu muday dalka Ingiriiska. Tallaadadii ayaa shirkadda AstraZeneca sheegtay in daraasaadkii lagu waday tallaalkaa la hakinayo […]

- Advertisement -

Tijaabada tallaalka Cudurka COVID-19 ee ay soo wada saareen shirkadda AstraZeneca iyo Jaamacadda Oxford ayaa dib loo bilaabi doonaa muddo yar uun ka dib markii la hakiyey sababtuna ahayd saamayn taban oo uu ku yeeshay qof bukaan ah oo lagu muday dalka Ingiriiska.

Tallaadadii ayaa shirkadda AstraZeneca sheegtay in daraasaadkii lagu waday tallaalkaa la hakinayo inta la badbaadiyo ee la ogaanayo waxa keenay saamayn taban oo ba’an oo tallaalka la xiriiray.

- Advertisement -

Hayeeshee Jaamacadda ayaa Sabtidii sheegtay in ay ku qanacsantahay in tallaalku aanu halis lahayn ee la sii wado tijaabada.

Wasiirka caafimaadka Ingiriiska, Matt Hancock, ayaa soo dhaweeyey warkaa ah in dib loo bilaabo tijaabada.

“Hakintaasi waxay muujinaysaa in aanu had iyo goor ba badbaadada muhiimadda koobaad siino. Taageero buuxda ayaan u fidinaynaa saynisyahannada si ay sida ugu dhakhsaha badan u bilaabaan tijaabada oo loo helo tallaal bed qaba” ayuu yiri.

- Advertisement -

Warbixin ay soo saartay Jaamacaddu ayay ku sheegtay in ay ” filaysay in dadka ka qayb gelaya tijaabadan weyn qaarkood bukoon karayeen”.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories