HomeCaalamkaDad badan oo ku geeriyooday God ay qodayeen oo kusoo dumay

Dad badan oo ku geeriyooday God ay qodayeen oo kusoo dumay

Date:

Related stories

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Madaxweyne Xasan oo tababar u soo xiray saraakiil

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tababar u soo xiray saraakiil ka qalin jebiyay Dugsiga TURKSOM, isagoo ku bogaadiyay dadaalkooda iyo adkaysigooda.

Dowladda iyo Mucaaradka oo isku afgartay wadahadal

Dowladda Soomaaliya iyo mucaaradka ayaa isku raacay in la sii wado wadahallada ku saabsan hannaanka doorashooyinka, iyadoo la hiigsanayo in shacabku si toos ah uga qayb qaataan doorashooyinka.

Wasiir Soomaali oo kulan la yeeshay Bangiga Adduunka

Wasiirka Isgaarsiinta Maxamed Soomaali oo Geneva kulan la yeeshay Bangiga Adduunka, isagoo ka hadlay Qorshaha Qaran ee DPI iyo iskaashiga caalamiga ah.

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

Ugu yeraan 50 qof ayaa laga cabsi qabaa in ay dhinteen ka dib markii uu ku dumay god macdanta laga qodo bariga jamhuuriyadda Demoqraadiga Congo, sida ay sheegeen saraakiisha maxaliga ah. Mashaqadan ayaa ka dhacday goob macdanta laga qodo jimcihii gelinkii dambe ka dib roobab mahiigaan ah oo ka da’ay magaalada Kamituga ee koofurta gobolka […]

- Advertisement -

Ugu yeraan 50 qof ayaa laga cabsi qabaa in ay dhinteen ka dib markii uu ku dumay god macdanta laga qodo bariga jamhuuriyadda Demoqraadiga Congo, sida ay sheegeen saraakiisha maxaliga ah.

Mashaqadan ayaa ka dhacday goob macdanta laga qodo jimcihii gelinkii dambe ka dib roobab mahiigaan ah oo ka da’ay magaalada Kamituga ee koofurta gobolka Kivu.

- Advertisement -

Barasaabka gobolka Theo Ngwabije Kasi ayaa sheegay in dhacdadan ay ku naf waayeen 50 qof oo u badan dhalinyaro. Duqa magaalada Kamituga Alexandre Bundya ayaa sheegay in sababta shilkan ay tahay roobabka halkaas ka da’ay taas oo keentay in godadka isku dumaan.”Tirada dhabta ah ee dhimashada wali ma cadda”.

Waxaa uu ku dhawaaqay labo maalmood oo baroor-diiq ah isagoo saraakiisha maxaliga ah ku booriyay in ay soo saaraan meydadka wali ku hoos jira dhoobada.

Sawirro iyo muuqaalo goobta laga soo qaaday oo baraha bulshada la soo geliyay ayaa waxaa ka muuqanayaa boqolaal dad ah oo tuban goobta shilka ka dhacay.

- Advertisement -

Kumaan qof oo aan xirfadle aheyd ayaa ka shaqeeya macdan qodista dalka Congo, kuwaas oo soo saaray kala bar macdanta Cobalt dunida oo dhan, taas oo laga sameeyo qalabka korantada iyo batariga gaadiidka.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories