HomeWararShirkii Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada oo dib u dhacay

Shirkii Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada oo dib u dhacay

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Iyadoo saaka oo khamiis ah lagu waday in Muqdisho uu ka furmo shirka u dhexeeya Dowladda dhexe iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada ayaa waxaa soo baxaya warar sheegaya in dib u dhac uu ku yimid shirkii loo ballansanaa. Wararku waxaa ay sheegayaan in ay jiraan sababo dhowr ah oo keenya in shirkaasi uu dib u dhaco, […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Iyadoo saaka oo khamiis ah lagu waday in Muqdisho uu ka furmo shirka u dhexeeya Dowladda dhexe iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada ayaa waxaa soo baxaya warar sheegaya in dib u dhac uu ku yimid shirkii loo ballansanaa.

Wararku waxaa ay sheegayaan in ay jiraan sababo dhowr ah oo keenya in shirkaasi uu dib u dhaco, waxaana la sheegay in ay wali taagan yihiin khilaaf yadii u dhexeyay dowladda dhexe iyo maamulada Jubbland iyo Puntland.

- Advertisement -

Wali waxaa socda shirar gooni gooni ah oo la isugu soo dhweynayo dowladda dhexe labada maamul Goboleed.

Waxaa sidoo kale dib u dhacay kulan casho ahaa oo ay xalay ku ballansanaayeen mas’uuliyiintu, lamana shaacin sababta ka danbeysay in madaxdu ay ka baaqsadaan munaasabadda cashada ah ee lagu ballansanaa, waxaana wali socda shirar ay gooni gooni u leeyihiin mas’uuliyiinta dhinacyada isugu yimid muqdisho ee Dowladda dhexe iyo dowladaha xubnaha ka ah.

Waxaa horay dib u dhac uu hareeyay shir lagu waday in uu muqdisho uga furmo madaxweyne farmaajo iyo Axmed Maxmed islaam Axmed Madoobe iyo Siciid Cabdullaahi Deni, balse shirkaasi dhowr jeer ayuu baaqday, waxaana lagama maar maan noqotay in loo yeero maadxda Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Hir-shabeelle kuwaas oo shalay muqdisho kasoo degay.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts