HomeWararFaah-faahino:- Qarax ka dhacay Magaalada Muqdisho iyo Khasaaraha

Faah-faahino:- Qarax ka dhacay Magaalada Muqdisho iyo Khasaaraha

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Faah faahinno dheeraad ah ayaa kasoo  baxaya qarax xooggan oo ka dhacay   galabta Maqribnimadii Magaalada muqdisho, waxaana qaraxaas ka dhashay khasaare Dhimasho iyo dhawaac leh. Qaraxa oo uu fuliyay qof isku soo xiray waxayaabaha  qarxa ayaa la sheegay ka dhacay Maqaayad ka agdhaw Koontorool si gaar ah loo ilaaliyo, waxaana   uu isku qarxiyay Maqaayad lagu  […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Faah faahinno dheeraad ah ayaa kasoo  baxaya qarax xooggan oo ka dhacay   galabta Maqribnimadii Magaalada muqdisho, waxaana qaraxaas ka dhashay khasaare Dhimasho iyo dhawaac leh.

Qaraxa oo uu fuliyay qof isku soo xiray waxayaabaha  qarxa ayaa la sheegay ka dhacay Maqaayad ka agdhaw Koontorool si gaar ah loo ilaaliyo, waxaana   uu isku qarxiyay Maqaayad lagu  magacaabo Blue-SKY oo sida la sheegay aad u masxhquul badnayd goorta uu qaraxu dhacay.

- Advertisement -

Khasaare kaal duwan ayaa ka dhashay Qaraxa, waxaana lasoo sheegayaa in ay jiraan dhimasho iyo dhaawacyo ka dhashay qaraxaan uu fuliyay ruux isku soo xiray waxyaabaha qaraxa.

Inta la xaqiijiyay waxaa ku dhintay seddex qof oo uu ku jiro wiil yar oo caseeye ah kaasi oo sida la sheegay ilaa hadda aan la aqoonsan, waxaana ku dhaawacmay ugu yaraan 7 ruux.

Dadka ku dhaawacmay qaraxa ayaa loola cararay goobaha caafimaadka, waxaana dhaawacyada isugu jiraan kuwo fud-fudud iyo kuwo culus intaba.

- Advertisement -

Dhanka kale dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay qaraxa, waxaana sheegtay  in qof ismiidaamiye ah uu isku qarxiyey Banaanka Maqayadda Blue Sky “3 Qof ayaa dhimatay 7 kalana way ku dhaawacmeen kadib markii Qof isku soo xiray waxyaabaha qaraxa uu isku qarxiyey Banaanka Maqayadda Blue Sky, dadka dhintay waxaa ku jira Ilma yar oo Caseeye ah oo illaa hadda aan Meydkiisa la aqoonsan.” Ayuu yiri Afhayeenka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Ismaaciil Mukhtaar Oronjo.

Goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa ah mid si weyn loo adkeeyo ammaan keeda, waxaana maqaayadda ay ku taalla bar koontarool oo laga ilaaliyo Madaxtooyada Soomaaliya, iyadoo ay ka aq dhawyihiin goobo kale oo ammaankooda la ilaaliyo.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts