HomeCaalamkaRa’iisul Wasaare Abiy oo kulan la qaatay dhigiisa Suudaan

Ra’iisul Wasaare Abiy oo kulan la qaatay dhigiisa Suudaan

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

Pheromone Maxxing:Rag Ka Taga Qubayska Si Ay U Soo Jiitaan Dumaraka.

Dhaqan cusub oo TikTok ku faafaya ayaa ragga qaar ku dhiirrigelinaya inay iska dhaafaan qubayska iyo deodorant-ka, iyagoo aaminsan in urta dabiiciga ah ay kordhin karto soo jiidashada.

Xasuuqii Rwanda: Nin Xabsi Daa’in Lagu Xukumay

Maxkamad ku taalla The Hague ayaa xabsi daa’in ku xukuntay muwaaddin Rwanda ah oo lagu helay dambiyo la xiriira xasuuqii 1994, kaddib baaritaan socday sannado iyo marqaatiyo badan oo la dhageystay.

Ra’iisul Wasaaraha dowladda Federaalka Itoobiya Abiy Axmed iyo wafdi uu hogaaminaayay ayaa Maanta gaaray Magaalada Khartuum ee Caasimadda dalka Suudaan. Garoonka diyaaradaha ayaa waxaa Ra’iisul Wasaare Abiy kusoo dhaweeyay dhiggiisa Suudaan Cabdalla Xamduun iyo Madax kale oo ka tirsan dalkaas, waxaana loo gadbiyay dhinaca Xarunta Madaxtooyadda. Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa kulan gaar ahaan la qaatay […]

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha dowladda Federaalka Itoobiya Abiy Axmed iyo wafdi uu hogaaminaayay ayaa Maanta gaaray Magaalada Khartuum ee Caasimadda dalka Suudaan.

Garoonka diyaaradaha ayaa waxaa Ra’iisul Wasaare Abiy kusoo dhaweeyay dhiggiisa Suudaan Cabdalla Xamduun iyo Madax kale oo ka tirsan dalkaas, waxaana loo gadbiyay dhinaca Xarunta Madaxtooyadda.

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa kulan gaar ahaan la qaatay Ra’iisul Wasaaraha dalka Suudaan Cabdalla Xamduun, iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dhinac iyo Arrimo kale oo ku aadan xaaladda Gobolka.

Sidoo kale laba Ra’iisul Wasaare ayaa ka hadlay muran u dhexeeya dowladaha Masar iyo Itoobiya, kaasi oo salka ku haaya biyo xireenka webiga Niil, waxaana RW Xamduun uu sheegay in la sii wadi doono wadahadalada ku saabsan biyo xireenka webiga.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories