HomeCaalamkaAkhriso:-Suudaan oo Dalab Culus dirtay Dowladda Mareykanka

Akhriso:-Suudaan oo Dalab Culus dirtay Dowladda Mareykanka

Date:

Related stories

Wasiir Soomaali oo kulan la yeeshay Bangiga Adduunka

Wasiirka Isgaarsiinta Maxamed Soomaali oo Geneva kulan la yeeshay Bangiga Adduunka, isagoo ka hadlay Qorshaha Qaran ee DPI iyo iskaashiga caalamiga ah.

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

FBI oo $150,000 ku bixinaysa Fahad Nur oo Soomaaliya ku sugan

FBI oo $150,000 ku bixinaysa macluumaad horseeda qabashada Fahad Maxamed Nur oo ka baxsaday 2022, laguna eedeeyay inuu $5 milyan ka dhacay barnaamijka quudinta carruurta xilligii COVID-19.

IGAD Mobilises Stakeholders to Advance the Free Movement of Persons Protocol

The Intergovernmental Authority on Development (IGAD) has intensified efforts...

Soomaaliya oo bilaababday mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada

Soomaaliya oo bilaabay mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada – ma waxay ka caawin doontaa magaalooyinka?

Ra’iisul Wasaaraha dalka Sudan Abdalla Hamdok ayaa sheegay in uu kala hadlay Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Mike Pompeo oo boqosho ku tagay dalkaas arrimo ay ka mid yihiin in Suudaan laga saaro liiska dalalka maalgaliya aragagxisada si looga qaado cunaqabateynta Dalka Suudan ayaa ku jiray liiska wadamada aragagxisada maalgaliyo laga soo bilaabo sanadkii 1990-yadii markii […]

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha dalka Sudan Abdalla Hamdok ayaa sheegay in uu kala hadlay Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Mike Pompeo oo boqosho ku tagay dalkaas arrimo ay ka mid yihiin in Suudaan laga saaro liiska dalalka maalgaliya aragagxisada si looga qaado cunaqabateynta

Dalka Suudan ayaa ku jiray liiska wadamada aragagxisada maalgaliyo laga soo bilaabo sanadkii 1990-yadii markii hogaamiyahii Al-Qaacida Osama Bin Laden uu halkaas ku noolaa, isagoo marti u ahaa xukuumadii Madaxweynihii Xukanka la xooga looga tuuray ee Cumar Al-Bashiir.

- Advertisement -

Dalka Sudan ayaa ka mid ahaa dalalka uu Mareykanka ku daray liiska wadamada taageera argagixisada sida Kuuriyada Waqooyi, Iran iyo Suuriya.

Hogaamiyayaasha Sudan ayaa si aad ah u ugu hamuun qaba in la soo afjjaro cunaqabataynta saaran iyo in liiska laga saaro si ay uga baxdo takoorka dhanka dhaqaalaha ee lagu hayo.

Haddii Sudan laga saaro liiska islamarkana cunaqabataynta laga qaado ayaa waxay fursad u helaysaa inay la macaamisho hay’adaha caalamiga ah ee dhaqaalaha islamarkana ay soo jiidato maalgashi iyo inay deemo qaadato.

- Advertisement -

Mid ka mid ah shuruudaha Mareykanka uu ku xiray si Sudan liiska looga saaro ayaa ah inay magdhaw siiso qoysaska 17 askari ee ku dhintay weerarkii ay Al-Qaacida ku qaadeen markabkii USS Cole ee ku sugnaa xeebaha dalka Yemen sanaddii 2000.

Dowladda Sudan ayaa shuruudaasi aqbashay bishii February ee sanadkan.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories